Komishinnada Asluubta ee dalka oo maanta Jigjiga kulan uga furmay

 

Khamiis, Augusto, 22, 2019 (HOL)-Waxaa maanta magaalada Jigjiga ka furmay Shirka Komishinnada Asluubta ee dalka, Shirkan ayaa waxaa isugu yimid Komishinerka Komishinka heer qaran, Komishinnada degaamada dalka iyo labada Ismaamul ee Addis Ababa iyo Diridhabe. Waxaa sidoo kale Dhirkan kasoo qayb galay Madaxwaynaha DDS Mustafe Cagjar.

newsinsideHaddaba Shirkan ayay Komishinnadu isku xog waydaarsanayaan hawlaha la xidhiidha Ilaalinta Xuquuqda Maxaabiista ku jirta Xabsiyada guud ahaan dalka, iyadoo intii isbaddalka ka dambeeyay uu Degaanka Soomaalidu is baddal muuqda wanaagsan ka sameeyay dhinaca Xuquuqda Maxaabiista.
 
 

Shirkan xog is waydaarsiga ah ayaa kusoo hagaagaya xilli is baddal degaanka uu ka jiro, isla markaana lagu dhiirraday in kulankan doorkan lagu qabto Jigjiga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]