Khamiis, Augusto, 22, 2019 (HOL)-Waxaa sabtidii magaaladda Minneapolis lau qabtay dood-cilmiyeedkii 30-aad ee Fagaaraha Forum, kaas oo lagu falanqeeyay xaaladda siyaasadeed iyo tan amni ee Soomaaliya, waxaana ka soo qeyb galay danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abukar Dahir Osman (Balle), Sahra Cabdi Axmed oo ka tirsan laanta af-Soomaaliga ee VOA iyo Daa’uud Ciid Osman oo ah aqoonyahay iyo cilmi baare Soomaaliyeed.
Dooda waxaa furay guddoomiyaha Fagaaraha Forum Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue), wuxuuna sheegay in ujeedada ugu weyn ee Fagaaraha ay tahay isku keenidda fikradaha iyo wada hadalka dadka Soomaaliyeed.
Danjire Abukar Baallee oo hore u soo noqday agaasimaha madaxtooyada iyo xaafiiska ra’isul wasaaraha ayaa yiri “Caqabadda ugu weyn ee Soomaaliya heysta waa Alshababa, iyaguna marxaladdii ugu dambeysay ayay ku jiraan, waa cadowga umadda Soomaaliyeed, mar dhowna waa laga adkaan doonaa, waana inaan si isku mid ah ula dagaallanaa” ayuu yiri Ambassador Abukar Balle oo intaas ku daray “Soomaaliya xilliyo adag oo kala duwan ayay soo martay, waxayna hada ku jirtaa xilligii ugu fiicnaa"
Danjire Abuukar Baalle, wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go'an tahay xassiilooniada dalka iyo dib u heshiisiinta umadda Soomaaliyeed, wuxuuna isagoo ka hadlay arrimaha federalimka yir yiri "Nidaamka Federalka waa sharci dalku leeyahay, laakiin waxay doodu ka taagan tahay nuucee qaadanaa, waxaana jira fasiraadyo badan oo laga sameeyay oo u baahan in cilmi baaris lagu sameeyo nuucyadiisa, kaddibna kan ugu fiican la isla qaato"
Sahra Cabdi Axmed oo hadleysay arrimaha xilliga taagan ayaa tiri “Khilaafka joogtada ah ee dowlada iyo maamul goboleedyadu wuxuu sii fogeynayaa xalka, waxaana ka faa’deysanaya dowladaha gobolka iyo kuwa shisheeye oo kale”
“Waxaaa jiray dad badan oo qaba aragti ah in dalku hore u socdo si kasta oo is jiid-jiid iyo is fahan la’aan ay u jirto”ayay sii raacisay Sahra.
Dhinaca amniga, waxay Sahra sheegtay in weeraradii ugu dambeeyay ee Alsahabaab ka sameeyeen Muqdishu ayna ku dileen duqii magaaladda Injineer Yariisow, iyo kii Kismaayo iyo dhaqaalaha la sheegay inay aruuriyaan waxay sheegtay inay abuureen su’aalo badan oo la xiriira amaanka. “Sidaa dad badan ay inoo sheegeen marka aan wareysanno waxaa dhici karta in wixii hada ka dambeeya lagu mashquulo doorashooyinka soo socda, waloow ay jiraan howlgallo ka dhan ah Alshabaab oo ka socda gobolada Shabeelaha hoose iyo deegaanno kale, laakiin ilaa la helo ciidamo qaran oo xoog leh amnigu ma saldhigan doono” ayay sii raacisay Sahra.
Waxay sidoo kale ay Sahra dul martay doorashada 2021 oo ay sheegtay in aqoonyahanno iyo dad badan oo ay wareysatay aaminsanyihiin in hannaanka qof iyo cod aanu suurtagal aheyn xilligan.
Daa'uud Ciid Osman oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed, dhawaanna Muqdisho ka soo laabtay ayaa sheegay in caqabadaha ugu waaweyn ee Soomaaliya heysta uu ugu horeeyo Musuq-maasuqa.
"Qaraxyada iyo, dhibaatooyina badan ee dalka ka jira waxaa fududeeya musuq-maasuqa iyo caddaalad darrada, haddii ay taasi sii socotana waxaa dhaceysa in meelaha Shabaabku joogaan caddaalad loo raadsado" ayuu yiri Daauud.

"Soomaaliya waxay sidoo kale u baahantahay in dowladnimada dadka la fahansiiyo, dadka madaxda u noqonaayana ay noqdaa kuwa daacad ah oo caddaalad ah" ayuu sii raaciyay.
Siyaad Saalax
Minneapolis, Minnesota