Khamiis, Augusto, 22, 2019 (HOL)-Xildhibaannada Baarlamaanka dhawaan musharixiinta Isbadal doona ay uga dhawaaqeen magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay madaxweyne u doorteen dhankooda Xildhibaan Cabdirashiid Xidig.
newsinsideDoorashadan oo ka dhacday Guriga Cabdinaasir Seeraar Maax afhayeenkii hore ee maamul gobolleedka Jubbaland kana mid ahaa musharixiinta Isbadal doonka lama sheegin cid la tartantay Cabdirashiid Xidig iyo tirada codadka uu ku guuleystay, iyadoo la soo gabagabeeyay ka hor inta aysan bilaaban codbixinta doorashada uu ku soo baxay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe]
Talaabadan musharixiinta isbadal doonka ay madaxweyne ugu doorteen Cabdirashiid Xidig ayaan lama filaan ku noqon dadka reer Jubbaland, madaama laga sii war hayay iyaga oo horay u magacaabay guddi doorasho madaxweyne.
Cabdirashiid Xidig oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa dhinaca kale waxaa uu ka mid yahay siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda maamulka madaxweyne Axmed Madoobe waxaana uu markii danbe ka mid noqday musharixiinta isku soo taagtay doorashada xilka madaxweynaha, balse markii danbe ku gacan seyray in ay is diiwaan-galiyaan iyaga oo sharci darro ku tilmaamay guddigii doorashada iyo xudduudaha Jubbaland oo ay ku eedeeyeen in uu yahay guddi dhinac kaliya u adeegaya.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]




