Khamiis, Augusto, 22, 2019 (HOL)- Shir-weynaha shannaad ee ururka suxufiyiinta Qaran Soomaaliyeed ee NUSOJ oo afartii maalin ee u dambeysay ka socday caasimadda Muqdisho ayaa maanta lagu doortay hoggaanka cusub ee ururka saddexda sanno ee soo socota.
Shir-weynaha ayaa waxaa ka qaybgalay ergo ka socotay hay'addaha warbaahinta ee dalka iyo wakiillo matalayay bahda saxaafadda, waxaana markii ugu horreysay shirka ka qaybgalay wafdigii ugu heerka sarreeyay ee ka socday ururka Isutagga Saxafiyiinta Caalamka ee IFJ oo uu hoggaaminayay,madaxweynaha IFJ, Younes Mjahed - waxaana weheliyay madaxweynaha xiriirka suxufiyiinta Afrika , Sadiq Ibrahim iyo ku-xigeenka madaxa ururka suxufiyiinta bariga Afrika, Stephen Ouma Bwire.
newsinsideUgu horreyn, waxaa doorasho codka qorsiidiga ah lagu doortay guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Qaran Soomaaliyeed ee NUSOJ , iyada oo uu xilka si aqlabiyad leh uu ugu guuleystay, Cawil Maxamuud Cabdi oo muddo 15 sanno ku dhow ku soo jiray saxaafadda xilal kala duwana ka soo qabtay ururka suxufiyiinta qaranka ee NUSOJ.
Waxaa kalo la doortay saddex guddoomiye ku-xigeen oo ka mid noqonaya golaha sare ee ururka, kuwaas oo kala ah; Cali Ilyaas Cabdullaahi oo loo doortay guddoomiye ku-xigeenka koowaad,Cabdi Aadan Guulleed oo loo doortay guddoomiye ku-xigeenka labaad iyo Burhaan Cabdullaahi Xaashi oo loo doortay guddoomiye ku-xigeenka labaad.
Shir-weynaha shannaan ee ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ, ayaa sidoo kale lagu doortay xog-hayaha guud ee ururka, iyada oo xilka ku guuleystay Cumar Faaruuq Cismaan oo xilka heyn doona muddo saddex sanno.
Xubnaha kale ee shir-weynaha lagu doortay, waxaa ka mid ah guddiga fulinta iyo wakiillada gobollada.
Guddiga fulinta;
1- Khadar Cawil Ismaaciil - Warfaafiinta iyo Xuquuqal Insaanka
2- Faarax Maxamed Yuusuf - Khasnajiga
3- Axmed Maxamed Shaam - Shaqada iyo Arrimaha Shaqaalaha
4- Faadumo Yuusuf Siciid - Jinsiga
5- Mukhtaar Maxamed Catosh - Tababarada
6- Nimco Xasan Cabdi - Abaabulka
7- Axmed Cumar Saalixi - Xiriirka Dadweynaha
8- Ibraahim Maxamed Muuse - Anshaxa
Wakiillada Gobollada;
1- Cismaan Aadan Careys - Wakiilka gobollada Hirshabeelle
2- Axmed Maxamed Cali - Wakiilka gobollada Puntland
3- Maxamed Cabdicasiis Salaad - Wakiilka gobollada Koonfurgalbeed
4- Hanad Cabdi Faarax - Wakiilka gobollada Galmudug
5- Axmed Toronto - Wakiilka Jubbaland
6- Fartuun Cabdi Nuur- Wakiilka Gobolka Banaadir
[email protected]











