Beesha Caalamka oo Qoraal wadajir ah ka soo saartay doorashada Jubbaland

 

Khamiis, Augusto, 22, 2019 (HOL)-Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen qaar kamid ah dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya iyo ururo sida Canada, Ethiopia, European Union, Finland, Germany, Italy, Kenya, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Uganda, United Kingdom, United States, AMISOM,IGAD iyo Qaramada Midoobay ayaa mar kale ku baaqay in doorashada Jubbaland ay noqoto mid loo dhan yahay.

newsinsideBeesha caalamka ayaa waxaa ay qoraalkan ku sheegeen in ay dhammaan  dhinacyada quseysa Jubbaland ay  ku dhiiri-gelinayaan in ay gaaraan  heshiis mid ah oo ku saabsan hal geeddi-socod doorasho oo lagu  kalsoonaan karo, loo dhan yahay, cadaalad ah iyo nabad ah

“Waxaan ka walaacsanahay Maqnaanshaha heshiiskaas in uu suura geliyo  in ay kororto xasilooni darro iyo kala qeybsanaan reer Jubbaland.”ayaa  lagu yiri qoraalka.

“Ka hor dhacdooyinka la qorsheeyay 22ka  Agoosto 2019 oo maanta ku beegan, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan daneeyayaasha in ay ka  fogaadaan ficil kasta oo sababi kara rabshado. waxaan soo dhoweyneynaa  dadaallada AMISOM ay ku abuureyso deegaan aamin ah oo ka jira  Jubbooyinka”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka

“Ammaanka iyo xasiloonida Jubbaland uma ahan oo kaliya muhiim Jubbaland balse waxa ay tahay mid suurtogelinaysa in horumar kale laga gaaro arrimaha Siyaasada, dhaqaalaha iyo amniga dalka Soomaaliya.”ayaa lagu sheegay qoraalka.

Qoraalka ka soo baxay beesha caalamka ayaa imanaya xili maanta Kismaayo lagu wado in ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]