Xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo degan

 

Khamiis, Augusto, 22, 2019 (HOL)-Kaddib xiisad colaadeed oo u dhexaysey ciidamada iyo dhalinyaro shacabka ka mid ah oo ka cadhooday wiil ay ciidanka Boolisku toogasho ku dileen ayay xaalada magaaladu deganaan ku soo noqotay.

newsinsideSadex qof oo dhaawac ah ayaan ku arkay isbitaalada wax ay rasaas nool haleeahay waxaase la sheegayaa in ay dadka dhaawaca ah ay intaas ka badan yihiin.
 
Deganaanta magaalada ayaa loo aanaynaysa kadib markii wadahadal u dhexeeyey odayaasha iyo madaxda lagu gaadhey heshiis, sida ay HOL u xaqiijiyeen qaar ka mid ah masuuliyiintu.
 
"Waxaa galabta la aasayaa wiilkii dhintay  waxaana xaqiisa bixinaya xukuumada taas oo ah 100 halaad" sidaana waxaa Hiiraan Online u sheegay Cabdilaahi Garaad Saleebaan oo madax u ahaa waxgaradka hawshan isu xilqaamay.
 
Waxaase la sheegayaa in aan weli meel layla dhigin cida masuuliyadeeda qaadaysa dadkii ku dhaawacmay rabshadihii shalay, waxaase dadka badankoodu aaminsan yihiin in dhinaca xukuumada laga sugayo in ay tana dusha saartaan.
 
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool