Doorashada madaxweynaha Jubbaland oo goor dhaw bilaabatay

 


Khamiis, Augusto, 22, 2019 (HOL)-Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad gobolleedka Jubbaland ayaa goor dhaw bilaabay codbixinta doorashada madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland

newsinside Doorashada waxaa hadda ku taramaya musharax madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] Canab Maxamed Daahir, iyo mushar Maxamed Maxamuud.

Xildhibaanada ayaa mid mid loogu yeerayaa, si ay codkooda u dhiibtaan, waxaana si toos ah looga daawanayaa Telefishinada Maxalliga ah.

Hoolka doorashada waxaa ku sugan oo goobjoog ka ahh Xildhibaanada Labada Gole  ee Baarlamaanka Federaalka ee taageersan hannaanka doorashada uu waday  Guddiga Madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo la xiray dhammaan waddooyinka soo gala magaalada, dhaq dhaqaaq kastana waa la xadiday, waxaana maalin ka hor magaalada laga xiray cirka, dhulka iyo badda in aan laga soo geli karin, lagana bixi karin, inta lagu guda jiro doorashada Madaxweynaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]