
Khamiis, Augusto, 22, 2019 (HOL)-Wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan aqoonsaneyn doorashadii Kismaayo, isla markaana la walaacsan tahay shaqsiyaadka kala duwa ee mid walba gaarkiis u sheegto inuu yahay Madaxweynaha Jubbaland.
newsinside“Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyada oo ka walaacsan kana xun dhacdooyinka ka soo cusboonaday magaalada Kismaayo ee ku saabsan is caleema-saarka baalmarsan habraaca doorashooyinka ,dastuurka iyo shuruucda dalka.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Warkan ayaa lagu sheegay wasaaradda Arrimaha gudaha inay aqoonsan doonto kaliya doorasho wadar-oggol ah.
Hoos ka akhri warka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha;
