Isbadal lagu sameeyay taliyayaasha ciidamada Xoogga, Booliis, Nabad-Sugida iyo Asluubta Soomaaliyeed

 

Khamiis, Augusto, 22, 2019 (HOL)- Kulan Golaha Wasiirradda Xukuumadda Soomaaliya ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa lagu magacaabay taliyayaal ciidan, waxaana xilalkii ay hayeen laga qaaday taliyayaashii ciidamada xoogga dalka iyo Booliiska.

newsinsideSidoo kale Golaha Wasiirada ayaa Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka u magacaabay Jen. Odawaa Yuusuf Raagge, iyadoo xilkaas laga qaaday Jen. Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe.

Taliyaha Booliska ayaa loo magacaabay Cabdi Xasan Xijaar oo ahaa  Taliye ku-xigeenka Ciidanka xoogga dalka, waxaana xilka taliyaha Booliska  laga qaaday Jen, Bashiir Cabdi.

Waxaa sidoo kale  Taliyaha  Ciidanka Asluubta loo magacaabay Jen. Mahad C/raxmaan oo horay u ahaa  Taliyaha Booliska Koofur Galbeed, waxaana xilka Taliyaha Asluubta laga  qaaday Jen. Bashiir Goobe.

Dhinaca kale Fahad Yaasiin oo horay u ahaa ku-simaha taliyaha ciidamada Nabad-sugida Soomaaliya ayaa si buuxda loogu magacaabay in uu noqdo taliyaha ciidanka Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]