
Axad, Janaayo 03, 2016 (HOL) — Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo maanta ku geeriyooday magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan wuxuu sanadkii 1957-kii ku dhashay degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.
Waxbarashadiisii Asaasiga ahayd wuxuu ku qaatay isla degmada Buula-burte ee Gobalka Hiiraan Sannadka 1973-kii. isagoo Sannandkii 1977-kii ka baxay Dugsigii Shabelle oo ku yaallay Degmada Jowhar ee Xarunta Gobalka Shaballada Dhexe.
Marxuum Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif wuxuu sidoo kale ka Qalin-jabiyay Jamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Qaybta Xannaanada Xoolaha Sannadku markuu ahaa 1982-kii.
Sidoo kale, Wuxuu qaatay hal sanno oo Waayo-aragnimo shaqo ah, intaas kaddib, wuxuu noqday isku-duwaha wasaaraddii xanaanada xoolaha qaybta dagmada Balcad ee Gobalka Shabellada Dhexe, isagoo xilkaas hayay intii u dhexeysay Sannadihii 1984-kii illaa 1991-kii. Wuxuu kaloo noqday madaxii Mashruucii BAN AFRICA ee Dabar-goynta Cudurka Daba-Karuubka ee ku dhaca lo'da sannadihii u dhexeeyay 1989-kii illaa 1991-kii.
BUBURKII DOWLADII DHEXE KADDIB;
Alle ha u naxariisteen Ugaas C/raxmaan wuxuu kasoo shaaqeeyay hay'ado kala duwan oo ay ka mid yihiin; OXFORM, BASE iyo TRE NOVE oo dalka Talyaaniga laga leeyahay.
Xilka Ugaasnimada waxaa loo caleemo saaray 25-kii Abriil ee sannadkii 2001-dii, kaddib Geeridii Aabbihiis Allaha u naxariistee Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.
Ugaaska wuxuu ifka uga tagay labo gabdhood iyo hal xaas, Wuxuuna Ugaas ahaa muddo 15-sanadood ah, isagoo duhurnimadii maanta ku geeriyooday Magaalada Beledweyne.
Ugu dambeyn, Ugaas C/raxman Ugaas Khaliif wuxuu ahaa shaqsi Aqoon-yahan ah, Af-gaaban, inta badanna ka dhax-muuqda kulammada dib-u-hishiisiinta iyo Wacyi-galinta bulshada Soomaaliyeed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya