Wafdi uu Horkacayo Wasiirka Amniga Somalia oo Maanta Gaaray Beledweyne (SAWIRRO)


Axad, Janaayo 03, 2016 (HOL) — Gellinkii dambe ee maanta ayaa Waxaa gaaray Xaunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne wafdi uu hogaaminayo wasiirka Amniga Gudaha Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed.

Wafdigan ayaa waxaa xubnihiisa ka mid ahaa; Wasiirka Tarmarta iyo Shidaalka, Maxamed Mukhtaar Ibraahim, Xildhibaan Shuuriye Muumin Afrax, Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, Xildhibaan C/qaadir Cosoble, Xildhibaan Cali Nuur Boodaaye, Xildhibaan C/qaadir Sheekh Xanafi, Cali C/llaahi Cosoble iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Somalia.

Sidoo kale, Waxaa wafdiga qayb ka ahaa odayaal dhaqameed, waxgarad, xubno xilal kasoo qabtay dowladihii Somalia soo maray, kuwaasoo hor-dhac u ah wufuud kale oo maalmaha soo socda soo gaarin doona magaalada Beledweyne, kuwaasoo ka qayb-galli doona aaska Allaha u Naxariistee Marxuum Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo maanta ku gaariyooday Beledweyne.

Geerida Ugaaska ayaa waxaa ka Tacsiyeeyay mas'uuliyiinta Dowladda Federaalka Somalia ugu sarreeya, Ugaasyo, Waxgarad, Nabaddoonno iyo dad magac iyo maamuus ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Geeradii deg-deg ahayd ee ku timid Ugaaska ayaa si weyn ay uga nixisay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya