Xaflad lagu xusay dhalashadii Nebi Muxamed (NNKH) oo ka dhacday Columbus ee gobolka Ohio (SAWIRRO)


Axad, Janaayo 03, 2016 (HOL) — Boqolaal muslimiin ah ayaa ka qayb-galay munaasabad lagu weynaynayay dhalashada Nabi Muxamed [NNKH] ayaa lagu qabtay Columbus, Ohio ee dalka Mareykanka.

Xafladdaan oo ka dhacday mid ka mid ah Goobaha ugu waa-weyn magaalada Columbus ayaa waxaa kasoo qeybgalay Boqolaal Muslimiin ah oo Soomaali u badan, kuwaasoo ka kala yimid gobolada dalka Maraykanka.

Munaasabaddan oo lagu weynaynayay dhalashada Nebi Moxamed [NNKH] ayaa waxaa Muxadarooyin ku aadan Taariikhda suubanaha ka soo jeediyay Culummo Caan ka ah Muslimiinta Maraykanka, Kuwaas oo ka kala yimid Meelo kala duwan si ay dadka u gaarsiiyaan taariikhda iyo halgankii diiniga ahaa ee Islaamka uu soo maray.

Soomaalida Columbus Ohio oo intooda badan goobjoog ka ahaa ayaa la arkayay iyaga oo si weyn u soo camiray goobta, horayna u soo watay caruurahooda si ay ugu duwaan wadiiqada Islaamigaa.

Inkastoo culummaa'udiin aad u badan ay ka hadleen xaflada waxaa ka mid ahaa, Sheekh Maxamuud Guriceel oo ka yimid dalka Sweden, Sheekh Saalax Macallin C/llaahi oo ka yimi gobolka Misouri ee dalka Maraykanka, Sh. Yuusuf Maxamed Cabdi oo ka yimid gobolka Kentucky iyo weliba Dr. Mohamed Tarazi iyo Sheekh Jeremy Campion oo labaduba ka tirsan culumada OHIO.

Waxaase soo jiidtay dareenka iyo indhaha dadka, Ahmedburhan oo loo yaqaan Ahmed Cadan oo ah wiil yar oo u dhashay dalka Maraykanka oo Islaamay; isla markaana dhalashadii Nabiga ku sharraxay Luuqada Soomaaliga iyo English-ka.

Sidoo kale, ka qaybgalayaashii munaasabada ayay culumadu kula dar daarmeen inay xag-sadaan, bartaan, kuna dadaalaan cilmiga Islaamigaa si looga gudbo caqabadaha diimaha ee calamka hareeyay.

Mudadii ay xafladdu socotay waxay culummado soo bandhigeen Qasiidoonyin Nabi amaan ah iyo Taariikho Islaami ah oo la xariira halgankii diinta Nabigeennu uu u soo maray.

Ugu dambeyn, Xaflad noocan ah oo kale ah ayaa sanad walba la qabto waxaa ku tookaysta goboladda Ohio iyo Minnesota.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya