Axad, Janaayo 03, 2016 (HOL) — Gellinkii dambe ee shalay ayaa Waxaa lagu soo Gaba-gabeeyay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota tartanka Ardayda dugsiyadda sare ee kubadda kolayga. tartankan oo la qabto sannad walba xilliga qaboobaha ee ay iskuulladu xiran yihiin ayaa waxaa ka qayb-galaya 10 Kooxood oo ka kala socday Magaalooyinka ay deggen yihiin ama ay Soomaalidu ku badan yihiin ee gobolka Minnesota.
Cayaartii ugu dambeysay ee tartankan ayaa waxaa fooda isku daray kooxaha Burnsville iyo St. Paul, Waxayna labada kooxood soo bandhigeen cayaar xiiso leh oo ay aad ula dhaceen dhamaan dadkii ka qayb-galay daawashadda cayaartan oo ka dhacday xarunta bulshadda ee Brian Coyle oo ku taalla xaafadda ay ku badan yihiin Soomaalidu ee Cedar.
Kooxda St. Paul ayay guushii ku raacday 72 iyo 68 dhibcood, halkaasna ku hantay koobkii loo Tartamayay. Mustafe Cali oo isagu ah cayaartoy u cayaara kooxda St. Paul ayaa wuxuu ku guulaystay cayaaryahankii ugu ciyaarta wanaagsanaa, isla markaasna la guddoonsiiyay koobka MVP-ga.
Inta aysan cayaarta kama dambeysta ah billaaban ayaa waxaa la cayaaray ciyaar kale oo ay ku kulmeen dhallinyaradii ugu cayaaraha wanaagsanaa intii uu tartanku socday oo la soo xulay iyo qaar ka mid ah cayaartoydii horay u cayaari jiray xulka Qaranka Soomaaliya iyo waliba kooxihii kubadda kolayga ee ka jiray magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa iyana cayaartan ka qayb-qaatay qaar ka mid ah Midowga booliiska Soomaaliyeed ee Mareykanka SAPA.
Haddaba, Tartankaan kubadda koleyga ayaa waxaa sannad walba qabta oo Qaban-qaabiya, barnaamijka dhallinyarada ee xarunta bulshada ee Brian Coyle. Waxaa cayaartan lagu soo xirayay tartanka ardayda dugsiyada sare ee kubadda kolayga kasoo qayb galay qaar kam id ah madaxda iyo mas’uuliyiin ka mid ah; kuwo loo doortay ama u Tartamaya Xilalka Baar-lamaanka Minnesota oo ay ka mid yihiin Senator Kari Dziedzic iyo Ilhan Cumar.
DAAWO: Tartankii Kubadda KOLEYGA ee Dugsiyada Sare ee Gobolka Minnesota;
Amano Dubbe, C/raxmaan Mukhtar, Mahdi Cabdi, Cabdirisaaq Cumar, Deeqa Cawil iyo Jennifer Webber ayaa iyagana ka mid ahaa martidii guddoonsiiyay koobka kaalinta 1-aad ee Horyaalka, koobka kaalinta labaad iyo waliba billadihii lagu bixiyay Xafladdii lagu soo xiray Tartankan.
C/raxmaan Mukhtaar oo la hadlay Hiiraan Online ayaa sheegay ujeeddada cayaarahan inay doonayaan xilliga iskuullada Dalka Mareykanka ay gabi fasax yihiin in dhallinyarada lagu mashquuliyo cayaaro, waa xilliga ay dambiyada ugu badan galaan, waana xilliga dhallinta Mareykanka ee ay iskuullada la dhigtaan ay dalxiisyada u baxaan marka qaarkeen waxaan u badan-nahay dad dan yar ah; marka waa in aan helnaa meel Dhallinta lagu madadaaliyo labadaas toddobaad, waana aan ku guulaysannay.
Sidoo kale, C/raxmaan ayaa xusay Qoys Soomaaliyeed oo wada isboorti ah, Wuxuuna yiri. “Waxaan ku farxay in Hooyo Deeqo Cawil oo ka mid ahayd Gabdhihii kubada Koloyga ee heerka koowaad ay maanta Abaal-marinnada wax ka bixinayso; iyadoo ubadkeeda saddex ka mid ah ay Garoonka ka Dhex-muuqdeen, iyagoo kala ahaa; Garsoore, Cayaaryahan iyo Tababaraha kooxda kaaalinta koowaad gashay.
Tartankan oo billowday 19-kii bishii December, 2015-ka ayaa soo dhammaaday shalay oo ay bishaan Jannaayo ahayd 02, 2016. Kooxaha ka qayb-galaya tartankan ayaa kala yimid; Minneapolis, Fridley, Columbia Heights, Burnsville, Hopins, St. Paul, New Brighton iyo Roseville.
Ugu dambeyn, Annagoo ah bahda HOL waxaan hambalyo u diraynaa dhamaan Dadkii soo qaban-qaabiyay Tartanka iyo kooxda St. Paul oo iyaduna ku guulaystay kooxihii Tartanka ardayda dugsiyadda sare ee kubadda kolayga ee gobolka Minnesota.
Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota












