Dagaal u dhexeeya ciidammo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ka Socda Magaalada BARAAWE


Axad, Janaayo 03, 2016 (HOL) — Ugu yaraan shan askari ayaa ku dhintay in ka badan 10-kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ciidamada dowladda Somalia u dhexeeya oo ka socda degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaalkan oo aan si rasmi ah loo ogeyn sababta dhalisay, laakiinse wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidankan ay qaab beeleed u abaabulan yihiin, isla markaana ay tan iyo shalay isku hor-fadhiyeen gudaha degmadaas Baraawe.

Goob-joogayaal ku sugan degmada Baraawe ayaa xusay in dagaalku uu socdo uuna yahay mid xooggan, ciidamadan ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan oo laga maqlayo daafaha degmada.

Guddoomiyaha degmada Baraawe, Xuseen Barre Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalku uu jiro ayna maamul ahaan dadaal ugu jiraan sidii ay u kala qaboojin lahaayeen ciidamada dagaallamaya.

Iska-horimaadkan u dhexeeya ciidamada kawada tirsan kuwa Dowladda Somalia; iyadoo gobolka Shabeellada Hoose ay dhawaanahan ka jireen xiisado colaadeen oo salka ku haya beelo uu ka dhexeeyo muran.

Dhanka kale, illaa hadda ma jiro wax war ah oo ay taliska ciidamada xoogga dalka kasoo saareen dagaalka ciidamada kawada tirsan dowladda Soomaaliya u dhexeeya ee ka socda degmada Baraawe.

Wixii kasoo kordha dagaalka u dhexeeya ciidanka kawada dowladda Somalia ee ka socda Degmada Baraawe waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya