
Axad, Janaayo 03, 2016 (HOL) — Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa Maanta xilkii ka qaaday taliyihii ciidanka ilaaladda madaxtooyadda, ku xigeenkiisa iyo Agaasimihii guud ee madaxtooyadda, isla markiina xilalkaasi masuuliyiin kale u magacaabay.
Qoraal goor-dhowayd ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay af-hayeenka madaxweynaha Xuseen Deyr ayaa lagu sheegay xilalkaas mas'uuliyiinta laga qaaday iyo kuwo lagu bedelayba.
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3758/012016 uu ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada iyo Ku xigeenkiisa. Halka Taliyihii hore iyo Taliye ku xigeenkiisiina la bedelay.”ayaa lagu yidhi qoraalka xafiiska madaxweynah ka soo baxay oo nuqul ka mid HOL soo gaadhay.
Waxaana intaas lagu daray “Madaxweynuhu wuxuu go’aansaday:
1. In G/dhexe, Axmed Daahir Cali, laga billaabo Taariikhda Maanta uu ahaado; Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
2. In Dhamme, Axmed Jaamac Ducaale (Alyoos), laga bilaabo maanta uu ahaado; Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
Taliyaha la bedelay iyo ku xigeenkiisa waxay kala ahaayeen:
1. G/sare, Axmed Cali Maygaag, taliyihii Hore ee ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL.
2. Dhamme, Cabdi Cismaan Ducaale oo ahaa taliye ku-xigeenkii hore ee ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL
Qoraalka Madaxweynaha Somaliland Waxaa lagu soo xidhay sidaan. “Waxaan idin kugu mahadinayaa mudadii aad soo haysay xilalka Taliyaha iyo Taliye Ku xigeenka Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidaas darteed, waxaan gartay inaan idinka bedelo xilalka Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
Haddaba, Waxaan idinka Rajaynayaa in aad si niyad-sami ah ugu Wareejisaan xilalka aad hayseen G/dhexe, Axmed Daahir Cali oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay iyo Dhamme, Axmed Jaamac Ducaale (Alyoos) oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.
Waxaan farayaa taliyaha ciidanka Qaranka iyo booliiska Somaliland in ay mas'uuliyiinta u magacaaban xilal ku habboon darajadooda.”
Dhinaca kale, Agaasimihii madaxtooyadda Mudane, Xasan Cabdi Madar ayaa isna xilkiisa laga qaaday, waxaana lagu beddelay maayarkii hore Magaalada Gabiley, Khadra X. Gaydh oo noqon doonta agaasimaha guud ee madaxtooyadda.
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo wuxuu Wareegto Madaxweyne oo Sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3757/012016 uu Xilkii kaga qaaday Agaasimihii guud ee madaxtooyada sidoo kalena waxa uu magacaabay Agaasime Cusub.” ayaa lagu yidhi qoraalka madaxtooyada ka soo baxay.
“Madaxweynuhu Wuxuu go’aansaday: In Marwo, Khadra X. Ismaaciil Yoonis (Khadra X. Gaydh), laga billaabo Taariikhda maanta ay ahaato; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaana xilkii laga qaaday Mudane, Xasan Cabdi Madar, Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Madaxtooyada, waxaana lagu bedelay Khadra Xaaji Gaydh.”
Si kastaba ha ahaaatee, Khadra Xaaji Gaadh ayaa hore u ahaan jirtay Maayarka Gabiley, iyadoo noqotay haweenayda kaliya ee nasiibka u heshay inay magaalo ka noqoto Maayar, halka maanta ay ka noqonayso haweenaydii ugu horeysay ee Somaliland ee loo magacaabo agaasima guud, iyagoo aanay horay u soo marin inay haweeney ka noqoto Agaasime guud ama maayar, inkastoo ay wasiirro iyo wasiir ku xigeen noqdaan, balse hore uma soo marin inay labadan xil haween qabtaan.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland