
Axad, Janaayo 03, 2016 (HOL) — Hogaanka dhaqanka deegaanada Puntland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay geeridii naxdin lahayd ee ku timid, Ugaas C/raxmaan Ugaas Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, kaasoo maanta si lama filaan ah ugu Geeriyooday Xarunta Gobolka Hiiraan ee Baladweyne.
Islaan Bashiir Islaan C/lle oo ka mid ah Wax-garadka Soomaaliyeed ayaa geerida ku timid Ugaas C/rixmaan ka tacsiyadeeyay, isagoo xusay in geerida Ugaaska ay la qayb-sanayaan dhamaan umadda Somaaliyeed.
“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun, waxaan ka tacsiyeynayaa geerida ku timid Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble waxaanan Ummadda Soomaaliyeed leeyahay samir iyo iimaan Allaha inaga siiyo, isagana Allihii abuurtay baan Janno uga baryeynaa iyo in uu u dambi dhaafo,” ayuu yiri Islaan Bashiir oo ka hadlayay geerida Ugaaska.
Wuxuu kaloo Islaan Bashiir sheegay in Ugaas Khaliif uu ahaa ruux wanaagsan oo nabadda jecel, isla markaana uu ka qayb-qaatay dadaaladdi nabad raadinta Somaaliya wax yar ka dib markii uu xilka kala wareegay Aabbihii Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo sanadkii 2001-kii geeriyooday.
Marxuum Ugaas C/rixmaan oo ahaa Ugaaska Beesha Xawaadle ayaa toddobaadkii hore ka furay magaalada Baladweyne shir laba ujeeddo lahaa, kuwasaoo kala ahaa dib u dhis lagu sameynayo garoonka diyaaradaha Baladweyne iyo in laga tashado aayaha gobolka Hiiraan.
Ugu dambeyn, dadka yaqaanay Ugaaska ayaa sheegay in uu ahaa Aqooyahan dhameystay Heerka Jaamacadda, isla markaana uu caan ku ahaa isu keenidda ummadda Soomaaliyeed, waxaana sannadihii lasoo dhaafay uu ka qayb-qaatay daminta colaado ka dhacay Qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya.
Faysal Mohamed Hassan
[email protected]