Xildhibaannada Baarlamaanka Koonfur-galbeed oo lagu wado in ay Gudoomiye Doortaan


Axad, Janaayo 03, 2016 (HOL) — Xildhibaanada barlamanka maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa lagu wadaa maanta inay doortaan gudoomiye iyo ku xigeenadiisa, kaddib markii toddobadkii hore lasoo dhameystiray tirada xildhibaannadan oo ah 145-mudane.

Jagada guddoomiyaha baarlamaanka KGS iyo ku xigeennadiisa ayaa waxaa u taagan shan murashax, iyadoo murashaxiinta ay ku kala hari doonaan codka xubnaha Baarlamaanka ay dhiibanayaan, kaasoo noqonaya mid sanduuq lagu ridayo.

Musharaxiinta tartanka ka qaybgalaya ayaa waxaa ka mid ah; C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye iyo Cali Xasan, waxaana labadan murashax ay si aad ah ugu tartami doonaan xilka guddoomiyaha baarlamaanka Somalia.

Munaasabadda doorashada ayaa waxaa lagu wadaa inay ka qayb-galaan wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya, xubno ka socda ururka IGAD iyo xubno ka socda xafiiska QM ee Somalia.

Guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka ayaa toddobaadkii hore loo doortay ninka ugu da’da weyn, iyadoo kulanka maanta uu yeelanayo baarlamaanka shir guddoomin doono, wuxuuna xilka wareejinayaan markii guddoomiyaha cusub la doorto.

Ugu dambeyn, baarlamaanka maamulka Koonfur-galbeed Somalia ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo uu maamulkaasi yeesho, iyadoo dhismaha baarlamaanka ay qayb ka tahay dhameystirka maamulkan oo uu hoggaamiyo Shariif Xasan Sh. Aadan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya