
Axad, Janaayo 03, 2016 (HOL) — Xildhibaannada Baarlamaanka Koofur-galbeed Somalia ayaa maanta guddoomiye u doortay, C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye, kaddib markii uu helay 109-cod, iyadoo sidoo kalena la doortay guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo kan labaad ee baarlamaanka Koonfur-galbeed.
Kulan ay xildhibaannada baarlamaanka Koonfur-galbeed guddoomiyaha cusub ku doorteen ayaa waxaa goob-joog ka ahaa 142-xildhibaan iyadoo codeyntu ay ahayd mid sanduuq lagu ridayay.
Jagada Guddoomiyaha ayaa waxaa ku tartamay C/qaadir Shariif Sheekhuna iyo Cali Xasan Cismaan; iyadoo wareeggii koowaad ee doorashada uu 109-cod helay Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, halka murashaxii la tartamayay uu helay 33-cod oo keliya.
Gudoomiyaha loo doortay baarlamaanka maamulka Koonfur-galbeed oo markii la doortay kaddib la hadlay xildhibaannada ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur-galbeed loo doortay, isagoo xusay inuu ku shaqeyn doono hufnaan, cadaalad iyo sinnaan.
Sidoo kale, C/qaadir Shariif Sheekhuna oo la hadlay ayaa u mahad-celiyay xildhibaannadii doortay iyo kuwii aan dooran, wuxuuna guddoomiyaha cusub isla maanta xilka gudoonka baarlamaanka kala wareegay guddoomiyihii KMG ahaa ee howsha sii waday.
Dhaka kale, waxaa Guddoomiye ku xigeenka 1-aad loo doortay Maxamed Nuur Macallin Ibraahim, guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa waxaa isna loo doortay, Aweys Macallin Xuseen, iyadoo labadan mas'uul ay sheegeen markii la doortay inay ku shaqeynayaa si ay daacadnimo ku jirto.
Baarlamaanka maamulka Koonfur-galbeed ee Somalia oo ka kooban 145-xildhibaan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo uu maamulkan yeesho, iyadoo ay sugayaan howlo badan oo wax ka qabasho u baahan.
Ugu dambeyn, kulankii lagu doortay Mas'uuliyiinta Hoggaamin doona Baarlamaankan uu yeeshay maamulka Koonfur-galbeed Somalia ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas'uuliyiinta sare ee maamulkaas iyo wufuud kala duwan oo ka socda dowaldda Somalia iyo kuwo kale oo ka socday hay'ado kala duwan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya