
Axad, Janaayo 03, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid ayaa ka Tacisyeeyay geeridii maanta ku timid Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo saaka ku geeriyooday magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Xasan Sheekh ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri: “Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi Raajicuun. Eebbe ha u naxariisto marxuumka, Waxaa lagu xusuusan doonaan hawlihii muhiimka ahaa ee uu u hayay bulshada howlo ay ka mid yihiin dib u heshiisiinta iyo nabadeyntii uu waday illaa ay geerida uga timaaddo. Waxaan Alle uga baryaya naxariistii inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, Qoyskii, eheladii iyo Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.”
Wuxuuna madaxweyne Xasan Sheekh uu intaas ku daray in Marxuum Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble uu ahaa shaqsi dadaal badan ku bixiyay u adeegidda bulshada iyo Qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa isagana warbixin uu xafiiskiisa kasoo saaray ku sheegay inuu tacsi u dirayo Qoyska, Qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday ALLAHA u naxariistee Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo saaka ku geeriyooday Beledweyne.
“EEBBE ha u raxmadee Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif waxa uu ahaa shaqsi inta badan waqtigiisii ugu badnaa ku bixiyay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, wuxuuna geeriyooday isagoo ka qayb-galaya shirka nabadda ee Samadoon,” ayuu yiri RW xukuumada Sharma’arke, isagoo Alle uga baryay inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo.
Ugu dambeyn, Marxuum Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa xilka Ugaasmnimada loo Caleemo-saaray Sannadkii 2001-dii, xilligaasoo uu Geeriyooday Aabbihii Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, iyadoo Ugaaska dhawaan Cudurka wadne-xanuunka looga soo daweeyay dalka Turkiga.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya