Axad, Janaayo 03, 2016 (HOL) — Kulanka oo ahaa mid furan oo ay ka qeyb-galeen guud ahaanba qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Beledweyne oo si weyn uga naxday warka ku saabsan geerida marxuum Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa looga wadda-hadlay hab maamuuska aaska Ugaaska.
Shirka oo ay ka qayeb-galeen mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, siyaasiyiin, oday-dhaqameed, culumaa'udiin, odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, ayaa ka dhacay gogoshii uu fidiyay Ugaaska ee maalmihii ugu danbeeyayba uu ka socday shirka SAMADOON II oo uu soo qaban-qaabiyay alle ha u naxariisteen Ugaas C/raxman Ugaas Khaliif.
Ka qeyb-galayaashii kulanka ayaa ugu danbeyntii isku raacay in la saaro guddi ka soo shaqeeya qaabka uu u dhacayo aaska, inta arrimaha qaban-qaabada aaska laga soo dhameystirayana meydka lagu soo hayo qaboojiye, waxaana jirin doonna dad kala duwan oo isaga kala imanaya dalka gudaha dalka iyo dibadda intaba oo ka qeyb-galli doona aaska marmuum Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo maalmaha soo socda dhici doonna.
Barqanadii maanta ayaa xilli uu ugaasku ku sugnaa madasha shirweynaha SAMADOON II Waxaa si lama filaan ah u qabtay Xanuun loo Maleynayo in ahaa Dhiig-kar, kaasoo marka danbe sababay in uu Ugaasku u geeriyoodo.
Marxuum Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif ayaa lagu Xasuusan doonaa Doorkiisii dib-u-hishiisinta iyo nabadeynta, isagoo ahaa shakhsi mar walba u taagan inuu ka shaqeeyo in dadka la walaaleeyo iyo in leys farro macruufka iyo qowlka wanaagsan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya






