Guddiga gurmadka abaaraha ee heer Qaran oo la magacaabay


Talaado, December, 20, 2016 (HOL) – Shirkii madasha wadatashiga Qaran ee magaalada Muqdisho uga socday hogaamiyayaasha Soomaalida ayaa lagu magacaabay guddi heer Qaran ah oo u gurmanaya xaalada abaarta ka jirta qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Guddiga ayaa ka kooban sagaal xubnood oo kala ah wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha DF, wasiirka maaliyada DF,  wasiirka warfaafinta DF, wasiirka Qorsheynta Puntland, wasiirkaa Qorsheynta
Jubbaland, wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Koofur Galbeed, wasiirka beeraha iyo xanaanada xoolaha Galmudug, guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Guddiga ayaa siddoo kale waxaa qeyb ka noqon doona xubno dhinaca farsamada kala shaqeynaya kuwaa oo ka kala iman doona dowladda dhexe iyo maamul gobolleeyda dalka, waxaana la filayaa guddigan in sida ugu
dhaqsiyaha badan uga howlgalaan deegaannada ay abaarta ka jirto si markaa ay qiimeyn dhab ah ugu sameeyaan xaalada abaarta,

Magacaabista guddiga ayaa imanaya xili xaalad adag oo dhinaca nolasha ah  soo food saartay in badan oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan guud ahaanba dalka,  gaar ahaan dadka reer miyiga ah oo ay dhaafeen wixii xoolahaa oo ay dhaqanayeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]