Talaado, December, 20, 2016 (HOL) -Seddex Qof oo Somali ah ayaa lagu dhaawacay Masjid ay dad badani ku tukanayeen oo ku yaala magaalada Zurikh ee dalka Switzerland ka dib markii nin hubaysani uu rasaas ood-da kaga qaaday dadkii halkaa ku suganaa oo ay Somalidu ku jiraan.
Gawaarida gar-gaarka deg- deg-ga ah iyo booliska magaalada ayaa soo gaaray goobta ay rasaastani ka dhacday oo ku dhow jid si weyn loo adeegsado ,iyadoo isla markiiba la bilaabay howl-galo lagu baadi goobayo ruuxa gaystay falkan toogashada ah.
“Qof aan la aqoonsan ayaa dhowr rasaas riday ka dib-na ka baxsday dhismaha “ ayuu yiri afhayeenka booliska Marco Bisa ,kaasi oo warbaahinta kula hadlay masjidka agtiisa ,,iyadoo booliska ay isku geedeemaan goobta.
“Toogashadu waxa ay ka dhacday gudaha qol lagu tukado oo ay ku sugnaayeen dhowr qof , waxaana dhaawac halis ahi uu gaaray laba kamid ah dadkii halkaa ku sugnaa “ ayuu mar kale yiri Bisa oo tilmaamay in dadka cisbitaalka la geeyay ay da’doodu kal tahay 30, 35 iyo 36 sano.
Dadka dhaawacmay waxaa ku jira Imaamkii masjidka oo lagu magacaabo Mustafe Cali Khalif iyo laba qof oo kale oo iyagana la sheegay in xaaladooda caafimaad ay aad u liidato ,waxaana xaruntan oo la furay shan sano ka hor ay tahay goob ay ku cibaadaystaan Afrikaanka Muhaajiriinta ah kuwooda muslimiinta ah oo ay ku jiraan Somalidu.
Mayd laga helay Buundo hoosteed
Dad-goob-joogayaal ah ayaa ku qiyaasay ninka weerarkan gaystay 30-sano jir ku libisnaa dhar- mad madow , waxaana uu ku baxsaday lug ka dib markii uu weerarka gaystay oo ahayd wax yar ka hor salaad-dii Maqrib.
In yar ka dib toogashada booliska ayaa buundada Gessner ka helay qof mayd ah oo gacanta ku haysta baskoolad ,iyadoo hareeraha goobtana uu wada daadsanaa dhiig badan sida lagu arkay sawirro ay baahisay wakaalad-da wararka ee AFP.
Sawir si dhinac ah loo qaaday ayaa muujinaya in qofka la helay maydkiisa uu wada xirnaa dhar-madow ,iyada oo loo malaynayo in qofkani uu gacantiisa isku dal-dalay ,waxaana agagaarka goobta la weeraray la wareegay ciidamada booliska ee magaalada Zurich.
War soo Kordhay: Maydka Ninkii weerarka Fuliyay oo la Aqoonsaday
Ninkan oo dhaawacay seddex qof oo Somali ah ayaa la xaqiijiyay in uu geeriyooday ,waxaana maydkiisa laga helay buundada Gesser oo ku dhow halka uu ka gaystay toogashada ,waxaana la aaminsan-yahay in uu u geeriyooday dhaawacyo soo gaaray.
“Maydkan ninkan waxaa laga helay meel 300 meter u jirta goobta uu weeraray “ ayaa lagu yiri war lagu daabacay websaydka booliska magaalada Zurich ,waxaana lagu xusay in maydkan uu ahaa qofkii fuliyay toogashada.
Ugu danbay,Da’da ninkan ayaa lagu sheegay qiyaastii 30 –sano jir ,waxaana boolisku uu ka gaabsaday in uu faah-faahin dheeri ah ka bixiyo qofkan weeraray Soomaalida, lamana shaacin magaciisa iyo wadanka uu dhalashada ka haysto
Faysal M. Hassan
[email protected]