Soomaaliya oo safiir u magacaawday Sweden
Talaado, December, 20, 2016 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa safiir cusub u soo magacawday dalka Sweden oo aysan Dowladda Soomaaliya muddo dheer ku lahayn Safaarad iyo safiir.
Safiirkan ayaa lagu magacaabaa Cawaale Cali Kullane, kaasi oo Dowladda Soomaaliya horay ugu metelayay Qaramada Midoobay.
Danjire Cawaale ayaa wuxuu horay ula soo shaqeeyay Dowladdii KMG ahayd ee Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Dowladda Federaalka ee hadda jirta, waana diblumaasi howlkar ah.
Danjirahan ay Dowladda Soomaaliya u soo magacawday dalka Sweden ayaa wuxuu yahay mid ay Soomaalida ku nool dalka Sweden ay si weyn ugu baahnaayeen bacdamaa ay Dowladda Sweden ka mid tahay dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya, isla markaana ay ku nool yihiin Soomaali badan.
Soomaalida ku dhaqan dalka Sweden ayaa si weyn u soo dhaweeyay Safiirka loo soo magacaabay, waxayna ka rajeeyay in uu wax weyn ka qaban doono baahida Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Sweden ku dhaqan.
Dalka Soomaaliya wax safaarad ah kuma lahayn dalka Sweden tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991-kii.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
More News
- Guddiga gurmadka abaaraha ee heer Qaran oo la magacaabay
- Madaxweyne Xassan Sheekh oo madaxtooyada ku qaabilay Ilhaan Cumar
- AMISOM oo war ka soo saartay dadkii rayidka ahaa ee lagu laayay gobolka Sh/hoose
- Kooxo hubeysan oo goor dhaw dilay agaasimihii madaxtooyada Boosaaso
- Aas aaskii ciidamada booliiska oo laga xusay magaalada Kismaayo
- Xildhibaano hore oo sheegay in guddiga doorashada ku dacweynayaan maxkamada Hague
- Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka qeybgalay munaasabada aasaaskii ciidamada booliiska
- Ra’iisal wasaarihii hore Max’ed C/llaahi Farmaajo oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay
- Taliyaha qeybta booliiska gobolka Mudug oo ka hor yimid shaqo joojin lagu sameeyay
- Nolosha Yemeniyiinta qaxootiga ku ah Soomaaliya
- Boqolaal ardey ah oo dhameysatay Imtixaankii dhexe dugsiga Aflax ee magaalada Beledweyne
- Madaxweyne Xassan Sheekh oo hambalyo u diray ciidammada booliiska Soomaaliyeed
- Prof Jawaari oo loogu baaqay in uu mar kale isku soo taago hogaanka sare ee baarlamaanka
- Taliyihii booliska Puntland ee gobolka Mudug oo xilka laga qaaday
- Maydka ninkii weerarka ku dhawacay Soomaalida majidka magaalada Zurich oo la helay
- Madaxweynaha Kenya oo ka codsaday Midowga Yurub inuu caawiyo AMISOM
- Saddex ruux oo Soomaaliya ah oo ku dhaawacmay weerar lagu qaaday masaajid ku yaala Switzerland
- Booliiska Soomaaliyeed oo u dabaal-dagaya 73 sanno guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay
- Ninkii ka danbeeyay dilkii safiirkii Ruushka ee dalka Turkiga oo la gartay
