Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka qeybgalay munaasabada aasaaskii ciidamada booliiska


Talaado, December, 20, 2016 (HOL) - Madaxwaynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa ka qeyb-galay munaasabad ballaaran oo magaalada Muqdisho loogu dabaal-dagayay 73 sano guuradii ka soo wareegtay aasaaska ciidammada booliiska Soomaaliyeed.

Madaxwaynaha oo munaasabada hadal kooban ka jeediyay ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay aasaaska ciidammada booliiska iyo marxaladihii kala duwanaa oo ay soo martay.

Gaar ahaa madaxweynaha ayaa siweyn ugu dheeraaday howlaha ciidammada booliiska iyo doorka ay ku leeyihiin sugida amniga, isaga oo sheegay in ciidammada booliiska yihiin mar walba saaxiibka bulshada.

Madaxweynaha ayaa khubadiisa hambalyada 20ka December, u diray guud ahaan ciidammada booliiska ee ku kala sugan gobollada dalka oo u dabaal-dagaya xuska aas-aaskii ciidammada oo ku beegneyd 1943kii oo laga joogo 73 sano.

Ugu danbeyntii, ciidammada booliiska Soomaaliya ayaa xiligan ku shaqeynaya daruufo kala duwan oo mar walba jaanqaadaya marxalada waqtiga ee dalka Soomaaliya oo aysan ka jirin dowlad awood badan leh oo sidii loo baahnaa u hanan karta baahiyaha kala duwan ee ciidammada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]