Aas aaskii ciidamada booliiska oo laga xusay magaalada Kismaayo
Talaado, December, 20, 2016 (HOL)-20 Dec, 1943 waa malintii la aasaasay ciidanka booliska Soomaaliyeed, waa maalinta Booliska Soomaaliyeed ay u dabaaldegaaan aasaaskooda, waxaana munaaibado kala duwan oo loogu dabaaldegayo maalintani lagu qabtay gobollada dalkeenna Soomaaliya.
Munaasibad ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen madax ka tirsan Jubaland, saraakiisha ciidamada Booliska federaalka Soomaaliya qeybga Jubaland, xildhibaanno ka tirsan Jubaland iyo masuuliyiinta maamulka gobolka J/hoose iyo kan degmada Kismaayo.
Ciidamada Booliska ayaa gaardis ku maray qaar kamid ah wadooyinka magaalada Kismaayo, ayagoo isugu tagay garoonka kubadda cagta waamo Studium ee magaalada Kismaayo.
Gudoomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim Max'ed Yuusuf Timajilic oo ugu horeyn madasha ka hadlay ayaa ka sheekeeyay ahmiyadda ay maalintan leedahay, isagoo sheegay in hambalyo uu u dirayo guud ahaan Booliska Soomaaliyeed.
Taliyaha Booliska ee gobolka Jubbada Hoose Coll. Xasan Khayre oo madasha ka hadlay ayaa ka sheekeeyay waxbqabadka ciidanka Booliska Soomaaliyeed qeybtooda Jubaland, isagoo sheegay in Taliska booliska dalka uu ka caawiyay tababarro kala duwan oo la siiyay laamaha uu ka koobanyahay Booliska Jubaland.
Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Dowlad-goboleedka Jubbaland Maxamuud Seyid Aadan oo munaasabadda soo xiray ayaa kula dardaarmay ciidanka Booliska Jubbaland in ay bulshada u adeegaan, isagoo hambayo u diray ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Waxa uu xusay in Boolisku yahay u adeegaha bulshada, lana doonayo in ay har iyo habeen u adeegaan shacabkooda, kana ilaaliyaan cadowga.
Inta badan gobollada dalka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay munaasbado kala duwan oo lagu xusayay maalintii la aasaasay booliska Soomaaliya.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
More News
- Guddiga gurmadka abaaraha ee heer Qaran oo la magacaabay
- Madaxweyne Xassan Sheekh oo madaxtooyada ku qaabilay Ilhaan Cumar
- AMISOM oo war ka soo saartay dadkii rayidka ahaa ee lagu laayay gobolka Sh/hoose
- Kooxo hubeysan oo goor dhaw dilay agaasimihii madaxtooyada Boosaaso
- Xildhibaano hore oo sheegay in guddiga doorashada ku dacweynayaan maxkamada Hague
- Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka qeybgalay munaasabada aasaaskii ciidamada booliiska
- Ra’iisal wasaarihii hore Max’ed C/llaahi Farmaajo oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay
- Taliyaha qeybta booliiska gobolka Mudug oo ka hor yimid shaqo joojin lagu sameeyay
- Nolosha Yemeniyiinta qaxootiga ku ah Soomaaliya
- Boqolaal ardey ah oo dhameysatay Imtixaankii dhexe dugsiga Aflax ee magaalada Beledweyne
- Madaxweyne Xassan Sheekh oo hambalyo u diray ciidammada booliiska Soomaaliyeed
- Prof Jawaari oo loogu baaqay in uu mar kale isku soo taago hogaanka sare ee baarlamaanka
- Taliyihii booliska Puntland ee gobolka Mudug oo xilka laga qaaday
- Maydka ninkii weerarka ku dhawacay Soomaalida majidka magaalada Zurich oo la helay
- Madaxweynaha Kenya oo ka codsaday Midowga Yurub inuu caawiyo AMISOM
- Soomaaliya oo safiir u magacaawday Sweden
- Saddex ruux oo Soomaaliya ah oo ku dhaawacmay weerar lagu qaaday masaajid ku yaala Switzerland
- Booliiska Soomaaliyeed oo u dabaal-dagaya 73 sanno guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay
- Ninkii ka danbeeyay dilkii safiirkii Ruushka ee dalka Turkiga oo la gartay