Boqolaal ardey ah oo dhameysatay Imtixaankii dhexe dugsiga Aflax ee magaalada Beledweyne


Taalaado, December,  201, 2016 (HOL) – Boqolaal ardey ah ayaa maanta loogu soo gabagabeeyay imtixaankii dhexe ee sanadkan 2016-2017, dugsiga hoose dhexe ee Aflax oo ka mid ah dugsiyada waxbarashada  magaalada Beledweyne.

In ka badan 645 arday ah ayaa maanta  oo ay taariikhdu ku beegan tahay 20/12/2016,  waxaa u soo gabagaboobay imtixaankii dhexe ee dugsiga  Aflax oo soo bilaawday 12/12/ 2016, iyadoo guud ahaanba ardeyda imtixaanka ka qeybgashay ka koobnaayeen fasalada oo dhan.

Max'ed Cismaan Max'ed oo ah madaxa imtixaanaadka dugsiga ayaa HOL u sheegay in  muddii uu dugsigan jiray sameeyay is badal weyn oo dhinaca waxbarashada, waxaana uu ardeyda ku amaanay dadaalka dheeraadka ah oo ay galinayaan sidii ay uga soo bixin lahaayeen doorkooda ku aadan waxbarashada.

‘’Dugsigan waa dugsi hoose dhexe,  hadafka iyo ujeedada laga leeyahay waa kaliya in aan soo saarno jiil wax bartay oo marka danbe anfaca naftooda iyo bulshada intaba’’ ayuu yiri Max'ed Cismaan.

Ardeydan Imtixaanka u soo dhamaaday oo wiil iyo gabdho intaba lahaa ayaa siweyn ugu faraxsanaa in ay u fariisteen imtixaankii dhexe ee sanadka 2016-2017, iyaga oo ka rajeeyay natiijo wanaagsan.

Ugu danbeyntii, magaalada Beledweyne ayaa sanadihii ugu danbeeyay siweyn uga hanaqaaday dhinaca waxbarashada, waxaana marka laga soo tago dugsiyada hoose dhexe iyo sare, siddoo kale magaalada ku yaalla
ilaa afar jaamacadood oo heerkoodu sareeyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]