Saddex ruux oo Soomaaliya ah oo ku dhaawacmay weerar lagu qaaday masaajid ku yaala Switzerland

 

Talaado, Diseembar 20, 2016 [HOL]-Xalay maqribkii waqtiga bartamaha Yurub ayaa waxaa la weerarey Masaajid ku yaala bartamaha magaalada Zurich ee dalka Switzerland, halkaas oo lagu dhawaacay saddex qof oo uu  ka mid yahay imaamkii tujiyay salaadda Maqrib, kaas oo magaciisa lagu soo koobey Sheekh Mustafa.

Weerarkan ayaa la sheegay in uu geystey nin bistoolad ku hubysnaa. Ilaa hada lama ogaan cidda sida dhabta ah uga dambeysay weerarka ee soo abaabushay.

Dalka Jermalkana weerar gaari dad la jiirsiiyay loo adeegsaday ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 12 qof.
 

Nin darawal ah oo waday gaari xamuul ah ayaa jiirsiiyay suuq laga dukaameysanaayay gaarigiisa halkaa oo dhimasho iyo dhaawac uu u geystay dadkii halkaa ka dukaamaysanaayay.

Dadkaa oo Kirishtian ah ayaa u dukaameysanaayay ciida Masiixiyiinta ee soo dhow. 

Booliska ayaa sheegay in baaritaano hor u dhac ah ay sheegayaan in darawalku yahay nin magangalyo doon ah oo kasoo jeeda Afghanistan ama Pakistan.

Ninkaa ayaa baxsaday laakiin waxaa meesha asna ku dhintay nin gaariga la saarnaa.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]