Kooxo hubeysan oo goor dhaw dilay agaasimihii madaxtooyada Boosaaso

 


Talaado,  December,  20, 2016 (HOL) – Rag hubeysan ayaaa goor dhaweyd agaasimihii madaxtooyada Boosaaso ee Puntlnad Aadan Gaas Huruuse ku dilay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Marxuumka la dilaya ayaa fadhiyay Afafka hore hotel Huruuse,waxaana wararku intaas ku darayaan in dablaydii dilka gaystay ay ka baxsadeen goobta,mana jirto cid ilaa iyo hadda loo qabtay dilkiisa.

Sidoo kale, ma jirto cid ka tirsan maamulka Puntland oo ka hadashay dilka agaasimaha Madaxtooyada Boosaaso ee  Puntland oo noqonaya mas'uulkii labaad oo todobaad gudihiis lagu dilo magaalada Boossaso.

Dhinaca kale,Magaalada Boosaaso ayaa Sanadihii danbe ahayd mid ka nabdoon dilalka qorshaysan tan iyo markii Ururka Al-shabaab looga adkaaday Buuraha Gal-gala ee Puntland.

Ugu danbaytii, dilka agaasimaha ayaa ku soo beegmaya iyadoo wararka qaar ay tilmaamayaan in firxadka dagaalyahano ka tirsan ururka Daacish ee dhawaan  laga la wareegay gacan ku haynta degmada Qandala ay so galeen magaalada Boosaaso.

Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan online
EMAIL:[email protected]
Garowe,Puntland_Soomaaliya