Taliyaha qeybta booliiska gobolka Mudug oo ka hor yimid shaqo joojin lagu sameeyay


Talaado, December, 20, 2016 (HOL) - Taliyaha qaybta booliska gobalka Mudug G/dhexe Cabdiwaaxid Cabdille Warsame  ayaa ka soo horjeestay shaqo joojin ay ku sameeyen gudiga difaaca gobalka Mudug ee Puntland oo isku jira wasiiro,xildhibaano,maamulka degmada Gaalkacyo iyo kan Gobalka Mudug.

Taliyaha qaybta booliska gobalka Mudug g/dhexe  Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame [Aw-doon] ayaa sheegay in warqada ay shaqada uga joojiyeen gudiga difaaca Puntland aysan ahayn mid loo maray wadadii saxda ahayd.

Sidoo kale,taliyaha ayaa xusay in madaxweynaha Puntland iyo taliyaha booliiska oo kaliya ay xilka qaadi-karaan,isagoona intaas ku daray in ay ishayaan xubnaha gudiga difaac gobalka Mudug oo u sheegay
inay isla fahmiwaayen ka shaqaynta  xaalada magaalada Gaalkacyo.

Dhinaca kale,taliyaha qaybta booliska gobalka Mudug ayaa wasiirka howlaha guud iyo xubno kale oo ka tirsan Gudiga Difaaca Gobalka Mudug ku eedeyay in ay lunsadeen hanti dadweynuhu leeyihiin iyo ku
takri-falka Awooda Dowlada.

Ugu Danbayntii Taliyaha qaybta booliska gobalka Mudug ayaa sheegay in gudiga difaaca ka  diideen in uu fuliyo Amar Madaxweynaha Puntland ka so baxay oo ku fasaxay Baabuurta Koonfurta ka yimaada,kuwaasoo
maamulka Puntland horay u joojiyeen. si kastaba ha ahaate Taliska Booliska Puntland iyo gudiga Difaaca.

Ugu danbeyntii, xubnaha uu eedeynta u soo jeediyay taliyaha qeybta boliiska gobolkaMudug ayaa ilaa iyo hadda aanan so saarin  wax war ah oo  la xiriirta arintan,

Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan online
EMAIL:[email protected]
Garowe,Puntland_Soomaaliya