Ra’iisal wasaarihii hore Max’ed C/llaahi Farmaajo oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay
Talaado , December. 20, 2016 (HOL ) - Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Max’ed C/llaahi Farmaajo oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada caasimada ah Muqdisho.
Musharaxa madaxweyne Max’ed C/llaahi Farmaajo oo ka soo duulay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaa soo dhaweyntiisa qeyb ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dadweyne isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir.
Dadka soo dhaweyntiisa isugu soo baxay ayaa loo diiday in ay gudaha u gallaan garoonka diyaaradaha sababo dhinaca ammniga la xiriira, hasse ahaatee waxaa ay ku sugayeen ilinka hore ee garoonka diyaarada iyo
hoyga uu ka degan yahay magaalada.
Max’ed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu tilmaamaa mas’uulka ugu taageerada badan shacabka waxaana lagu xasuustaa dibadbaxyo marar badan oo kala duwan gilgilay magaalada Muqdisho oo lagu taageerayay.
Ugu danbeyntii, dib u soo laabashada Farmaajo ayaa imaneysa xili masharaxiintii ku sugan magaalada Muqdisho ay wadaan dadaal mid walba oo ka mid ah ugu jiro sidii uu u noqon lahaa madaxweynaha Soomaaliya
sanadkan 2016ka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
More News
- Guddiga gurmadka abaaraha ee heer Qaran oo la magacaabay
- Madaxweyne Xassan Sheekh oo madaxtooyada ku qaabilay Ilhaan Cumar
- AMISOM oo war ka soo saartay dadkii rayidka ahaa ee lagu laayay gobolka Sh/hoose
- Kooxo hubeysan oo goor dhaw dilay agaasimihii madaxtooyada Boosaaso
- Aas aaskii ciidamada booliiska oo laga xusay magaalada Kismaayo
- Xildhibaano hore oo sheegay in guddiga doorashada ku dacweynayaan maxkamada Hague
- Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka qeybgalay munaasabada aasaaskii ciidamada booliiska
- Taliyaha qeybta booliiska gobolka Mudug oo ka hor yimid shaqo joojin lagu sameeyay
- Nolosha Yemeniyiinta qaxootiga ku ah Soomaaliya
- Boqolaal ardey ah oo dhameysatay Imtixaankii dhexe dugsiga Aflax ee magaalada Beledweyne
- Madaxweyne Xassan Sheekh oo hambalyo u diray ciidammada booliiska Soomaaliyeed
- Prof Jawaari oo loogu baaqay in uu mar kale isku soo taago hogaanka sare ee baarlamaanka
- Taliyihii booliska Puntland ee gobolka Mudug oo xilka laga qaaday
- Maydka ninkii weerarka ku dhawacay Soomaalida majidka magaalada Zurich oo la helay
- Madaxweynaha Kenya oo ka codsaday Midowga Yurub inuu caawiyo AMISOM
- Soomaaliya oo safiir u magacaawday Sweden
- Saddex ruux oo Soomaaliya ah oo ku dhaawacmay weerar lagu qaaday masaajid ku yaala Switzerland
- Booliiska Soomaaliyeed oo u dabaal-dagaya 73 sanno guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay
- Ninkii ka danbeeyay dilkii safiirkii Ruushka ee dalka Turkiga oo la gartay









