Talaado, December, 20, 2016 (HOL) Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa ugu hambalyeeyay ciidammada booliiska Soomaaliyeed 73 sano guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay oo ku beegan maanta.
Madaxweynuhu, waxa uu xusay doorka ciidamada boliiska iyo kaalinta ay ka qaateen soo celinta nabad-gelyada dalka iyo difaaca dadka iyo dalka,wuxuuna kula dardaarmay qeybaha ciidamada Boliiska inay sii laba laabaan howlaha adage e loogu adeegayo bulshada,isagoo dhanka kale ka codsaday shacbiga in ay la shaqeeyaan booliiska.
Ugu danbeyntii madaxweynaha waxaa uu u rajeeyay guud ahaanba ciidammada booliiska Soomaaliyeed iyo xaasaskooda in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo baraare.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]