4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 21, 2013
NICHOLAS KAY: “Waxaan Rajeynayaa in Puntland ay dib u soo celin doonto xiriirkii kala dhexeeyay dowladda Soomaaliya”


Isniin, Oktoobar 21, 2013 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, dajire Nicholas Kay oo soo saaray warsaxaafadeed uu kaga hadlayay socdaal laba maalmood qaatay oo uu ku tagay Puntland, ayaa sheegay in madaxda Puntland ay isku afgarteen waxyaabihii ay kawada hadleen oo dhan.

Dajire Kay ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in doorashooyinka madaxnimo ee Puntland ay dhici doonaan xilligii loo qorsheeyay oo ah bisha Jannaayo ee sannadka soo socda 2014-ka uuna filayo in dhawaan lasoo dhiso baarlamaan cusub oo uu maamulkaas yeesho.

“Waxay doorashadan noqon doontaa tii afaraad oo ka dhacda Puntland tan iyo markii la aasaasay sannadkii 1998-kii, waxaana ku faraxay horumarka uu sameeyay maamulkan intii uu jiray,” ayuu Kay ku yiri warsaxaafadeed uu soo saaray maanta oo Isniin ah.

Sidoo kale, ergaygu wuxuu sheegay in maamulka Puntland uu kaalin muhiim ka ciyaaray sameynta dastuurka dalka iyo habkii looga baxay xilligii KMG ah ee Soomaaliya, laguna soo dhisay dowladda federaalka ee hadda jirta.

“Rajo weyn ayaan ka qabaa in Puntland ay soo cusboonaysiin doonto xiriirkii kala dhexeeyay dowladda federaalka Soomaaliya, isla makaana horay loo sii wado dhismaha dowlad sal adag oo ay Soomaaliya yeelato,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ergayga ayaa sheegay in labaadii casho ee ku sugnaa Puntland uu kulamo la yeeshay madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Maxamed Faroole, wasiirrada, xildhibaannada, odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo shaqaalaha QM ee Puntland ku sugan. Isagoo xusay inuu ka dhageystay aragiyadii ay qabeen.

Odayaasha dhaqanka iyo hoggaamiyeyaasha beelaha ayuu sheegay inuu ku boorriyay inay sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo magacaabaan 66 xubnood ee uu baarlamaanka Puntland ka kooban yahay. Xildhibaannada oo uu xusay inay soo dooran doonaan madaxweynaha Puntland ee shanta sano nagu soo aaddan hayn doona xilka. Isagoo ku baaqay in Puntland ay sii waddo qorshe lagu doonayo in doorashada madaxda ay ku dhacdo doorasho xor ah oo ay dadku soo doortaan hoggaamiyahooda.

Danjire Kay wuxuu dhinaca kale ku baaqay in xubnaha baarlamaanka ee la soo xulayo lagu soo daro haween, isagoo odayaasha soo xulaha si gaar ah ugu baaqay inay si taxadar leh u soo xulaan xildhibaannada cusub.

Wakiilku wuxuu sidoo kale ku baaqay in murashaxiinta looga baahan yahay inay ilaaliyaan shuruucda, amaanka loona ogolaado inay si siman ololahooda uga jeediyaan qalabka warbaahinta, isagoo sheegay in mas’uuliyada arrintan ay saaran tahay xukuumadda hadda shaqeynaysa.

Ugu dambeyn, ergaygu wuxuu sheegay in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay in ay sii waddo taageerada ay siinayso Puntland, isagoo xusay in si gaar ah ay u taageeri doonaan doorashada dhacaysa iyo ololayaasha socda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya