4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 21, 2013
Kaamirooyin muujiyay Ciidamada Kenya oo Alaabo ka Qaadanaya Dukaamo ku yaalla Westgate Mall intii uu howlgalku socday


Isniin, Oktoobar 21, 2013 (HOL) — Kaamirooyinkii ku xiranaa xarunta laga adeegto ee Westgate Mall ee magaalada Nairobi ayaa laga helay muuqaallo muujinaya askarta Kenya oo qaadanaya alaabooyin yaallay xaruntaas intii uu socday howlgalkii Al-shabaab looga saarayay dhismayaas bishii hore.

Muuqaalkan ayaa waxaa lagu arkayay askar ka tirsan ciidamada Kenya oo taleefoonnada gacanta (Mobiles) ka qaadanaya dukaan lagu taleefoonnada lagu iibiyo oo xaruntaas ku dhex-yaalla, halka kuwo kalena la arkay iyagoo ku jira dukaan lagu sarifo lacagaha taleefoonnada lagu xawilo.

Kooxo hubeysan oo Al-shabaab ka tirsan ayaa qabsaday dhismahan ganacsi dhammaadkii bishii September ee lasoo dhaafay, iyagoo halkaas gacanta ku hayay afar maalmood, waxaana intii uu howgalka socday ku dhintay 67-qof oo u badan shacab Kenyan iyo ajnabi isugu jira.

Goobaha ay ciidamada Kenya alaabooyink ka qaateen ayaa waxaa ka mid ah goob lagu iibiyo raashinka oo lagu magacaabo NAKUMATT, halkaasoo ay ka qaadanayeen ciidamadu cunnooyin fudud, xilli ay kooxaha hubeysan xarunta ku jireen.

Afhayeenka milateriga Kenya, Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in cid walba oo lagu helo iyadoo dhac geysanaysa lala xisaabtami doono, isagoo intaas ku daray in filimkan uu u muuqdo mid la doonayo in sharafta ciidamada lagu waxyeelleeyo.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph Ole Lenku oo isaguna ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay in haddii ay ciidamadu geysteen wax boob ah lala xisaatami doono.

Gudaha dhismaha ganacsi ee Westgate Mall ayaa laga soo saaray maydadka saddex qof oo la sheegay inay ka mid ahaayeen xoogaggii halkaas weerarka ku qaaday, iyadoo weli ay socdaan baaritaannada lagu sameynayo sidii uu ku dhacay weerarkii Westgate Mall.

“Muuqaalkan kooban wuxuu sababay inaan ka aamin baxno ciidamadeenna milateriga, waayo waxaan aad u taageernay markii ay ciidanku gudaha u galeen Soomaaliya si ay Al-shabaab ula dagalaamaan,” ayuu yiri dhakhtar xarun caafimaad ku leh Nairobi oo diiday in magaciisa la sheego, isagoo ku daray hadalkiisa. “Hadda waxaa inoo muuqata in Al-shabaab iyo ciidamada Kenya ay si isku mid ah u dhibaateeyeen Westgate Mall.”

Weerarkii Westgate Mall ayaa waxaa kasoo wareegtay muddo bil ah, iyadoo weerarkan uu dhacay 21-kii bishii September ee lasoo dhaafay, iyadoo uu weli halkaas ka socdo baaritaanno lagu hayo sidii uu ku dhacay weerarkaas oo dhowr maalmood qaaday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya