4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 21, 2013
Roobabka Dayrta oo ka da'ay inta badan gobollada Puntland iyo daad kusoo rogmadey Magaalada Qardho (SAWIRRO)


Isniin, Oktoobar 21, 2013 (HOL) —
Roobabka xilliga Dayrta ayaa ka da'ay deegaano badan oo ka tirsan Puntland. Gobollada ay roobabka fiicani ka da'eenna waxaa kamid ah: Karkaar, Nugaal, Mudug, Sanaag iyo Bari.

Gobolka Karkaar, gaar ahaan magaala-madaxda Qardho, waxaa ka da'ay roob mahiigaan ah oo si weyn loogu diirsaday, inkasta oo markii dambe ay magaalada biyo badni kusoo rogmeen.

Biyaha daadka oo khasaare nafeed aan geysan, waxay waxyeelo kasoo gaartay goobo ganacsi oo dhowr ah, iyagoo sidoo kale jaray qaar kamid ah waddooyinka rafka ha ee isku xira magaalada Qardho iyo tuulooyinka fog fog.

Gobollada Mudug iyo Nugaal oo leh dhul-daaqsimeed ballaaran, si fiicanna xoolaha luugu dhaqo, ayaa waxa iyagana ka da'ay roobab mahiigaan ah oo ay dadka iyo duunyaduba aad ugu diirsadeen.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO FARA BADAN:



Sidoo kale waxay roobabku ka da'een gobollada Sanaag, Sool iyo Cayn, inkastoo ay jiraan deegaanno badan oo ka tirsan saddexdaas gobol oo weli wax roob ah aan helin.

Gobolka Bari oo isagu ah midka ugu ballaaran Puntland, waxaa jira qaybo badan oo roobsaday iyo deegaanno u badan kuwa Badda Hindiya kulaala oo muddo sanado ah aysan wax roobab ahi ka di'in.

Ugu dambeyntii, Magaalada Boosaaso oo iyadu sida caadiga ah aan roob badan helin, waxaa sannad kaddib ka da'ay roob aad loogu qabowsaday, kaas oo si weyn wax uga beddeley jewiga magaalada.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]    
Boosaaso, Puntland