4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 21, 2013
Jaamacada Banaadir oo ka mid noqotay Jaamacado ku Midoobay Mashruuc cusub oo loogu magac daaray RUN (SAWIRRO)


Isniin, Oktoobar 21, 2013 (HOL) — Jaamacada Banaadir ayaa ka mid noqotay 20 jaamacadood oo ku midoobay mashruuc caalami ah oo ku saabsan sidii dowladaha Afrika ee dagaallada iyo dhibaatooyinku la dageen ay dib ugu soo kaban lahaayeen iyagoo isku tashanaya waxaana loogu magac daray mashruucan cusub Resilient Africa Network (RUN).

Guddoomiyaha jaamacada Banaadir, Dr. Cabdirisaaq Axmed Dalmar oo ka hadlay kulan arrintan ku saabsanaa oo ka dhacay xarunta Jaaamacaddu ay ku leedahay KM-5 ayaa sheegay in mashruucan uu yahay mid faa’iido badan u leh dalalka Afrika ee dhibaatooyinku la hareen sida Soomaaliya. 

“Waxaa farxad u ah jaamacada Banaadir ay Somalia ku metesho mashruuca RAN oo ah mashruuc loogu talo-galay sidii dowladaha Afrika ay awood ugu yeelan lahaayeen xallinta dhibaatooyinka soo wajaha iyagoo isku tashanaya, gacana aan ka heleyn deeq bixiyayaasha,” ayuu guddoomiyaha jaamacadda Banaadir ku sheegay hadalkiisa.

Dr. Dalmar ayaa xusay 20-kii sano ee u dambeysay in Afrika deeqo kala duwan ka helayeen caaalmka, gaar ahaan dalalka ay ka dhacaan dagaallada, abaaraha iyo masiibooyinka kale, taasoo muujinaysa buu yiri in Qaaraddu ay u baahan tahay inay isku tashato iyadoo ka faa’iideysanaysa kheyraadkeeda si looga maarmo deeqaha dibadda looga keeno.

“Jaamacadda Banaadir ayaa ku dhisan nidaamka (Resilient Africa Network) maxaa yeelay markaan billaabaynay sannadkii 2002-dii inaga oo keliya ayaa isku-tashanay, koox yar oo aqoonyahanno Soomaaliyeed ah ayaa billaabay dhismaha jaamacadda, maantana waxay mareysaa meel sare xitaa qoladii sameysay lafteeda marna kuma riyoon in heerkan la gaarayo,” ayuu intaa ku daray.

Dr. Dalmar ayaa sheegay in mashruuca RAN uu u qaybsamo, dhowr qaybood oo ay ku jirto daraaasad lagu sameynayo mushkiladaha taagan, isagoo xusay in jaamacada Banaadir ay qaadatay koox la yiraahdo (Internal Expressed Persons) oo ah dadka dhulkooda ku dhex lumay oo meeshay degenaayeen sii joogi waayay.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

“Kooxda aan dooranay ka jaamacad ahaan haddii aan sii jilciyo waa kuwa ay dhibaatada nololeed, midda caafimaadka, waxbarashada la’aanta IWM,” ayuu guddoomiyaha jaamacadda Banaadir hadalkiisa raaciyay.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Dr. Dalmar waxaa uu sheegay in wakiilka Jaamacada Banaadir u qaabilsan mashruuca RAN uu yahay Maxamed Cismaan Maxamed oo saldhigiisu yahay jaamacadda Makarere ee dalka Ugandha, xafiisna ku leh Muqdisho iyo Salim oo ah wakiilka jaamacadda Makarere, isagoo xusay in tababar arrintan ku saabsan ay toddobaadkan siiyeen sideed qof kuwaasoo oo ka tirsan jaamacadda Banaadir, isagoo ku sheegay warbixintiisa in warbixino ay kasoo sameeyaan xeryaha ay ku nool yihiin dadka barakaacayaasha ah, ayna sahankooda ka sameeyaan bug iyo qoraalo.

”RUN waxay u kala baxdaa afar gobol oo jaamacadaha Afrika loo qaybiyay, gobolkeena waxaa ku tartamay illaa shan jaamacadood oo Banaadir ay ku jirto, labo Itoobiya ah iyo labo kale oo ka kala dhisan Sudan iyo Kenya, waxaana kusoo baxay kaalinta koowaad jaamacadda Banaadir,” ayuu yiri Dr. Dalmar.

Guddoomiyaha jaamacadda ayaa wuxuu intaa raaciyay in mashruucan RUN ay markiii hore soo hindistay jaamacadda Makarere ee Ugandha, isagoo xusay inuu maalgelin ka halay hay’adda kaalmada Maraykanka ee USAID kaddib markii loo arkay inuu yahay mid wax ka taraya yareynta dhibaatada ka jira dalal ka mid ah Afrika.

“Waxaan jeclahay halkan inaan ka sheego anigoo munaasabaddan ka faa’iideysanaya in heshiis iskaashi oo dhinaca waxbarashada aan la galnay jaamacadda Makarere ee dalka Ugandha oo ka mid ah jaamacadaha ugu qadiimsan uguna wanaagsan Afrika, waxaana maalmaha soo socda bilaaban doona masterkii saddexaad oo shahaadadiisa ay wada bixin doonaan Jaamacadaha Banaadir iyo Makarere idaacadaha ayaan sii deyn doonaa araaji qabashadana waa billaabatay,” ayuu intaa ku daray Dr.Dalmar.

Sidoo kale, waxaa kulankaas ka hadlay guddoomiyaha mu’asasadda ay hoos tagto jaamacada Banaadir, Dr. C/llaahi Xuseen Bushkuleeti, Dr. C/risaaq Xasan Cali, Maxamed Cusmaan oo ka socday mashruuca RUN, Salim oo ka socday Jaamacada Makarere ee dalka Ugandha iyo xubno kale oo tafaasiil ka bixiyey mashruuca RUN iyo sida looga faa’iideysan karo.

Munaasabadan oo kusoo dhamaatay jawi aad u wanaagsan ayaa dadkii goob-joogga ka ahaa waxaa ka mid ah: Dr. Maxamed Maxamuud Biday, Dr. Cismaan Xaaji Maxamuud (Dufle) iyo xubno kale oo aasaasayaasha jaamacadda ka mid ah, barayaasha iyo ardayda jaamacadda wax ka barta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya