4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 21, 2013
Kooxo dabley ah oo dhac u geystay saddex ka mid ah Dukaamada Dahabka lagu iibiyo ee Suuqa Magaalada Boosaaso

Isniin, Oktoobar 21, 2013 (HOL) — Waxaa maanta la dhacay saddex ka mid ah dukaammada dahabka ee suuqa magaalada Bosaaso. Dad goob-joogeyaal ahaa ayaa HOL u sheegay in dhaca ay geysteen labo nin oo baaskoolado ku hebeysnaa.

Xamdi Maxamed Cali oo ku ganacsata meherad kasoo horjeedda dukaammada la dhacay, ayaa HOL u sheegtay in xilliga uu falkani dhacayey ay ahayd abbaare 1:30 duhurnimo, markaas oo dhaq-dhaqaaqa dadka ee suuqu uu aad u yar yahay.

Iyadoo hadalkeeda sii wadata waxay sheegtay in labada nin ay si kedis ah ku galeen dukaammada, kaddibna ay jebiyeen dhalada dahabka, iyagoo la baxay inta badan dahabkii halkaas ku jirey.

"Nimanka mid afka ayaa u duubnaa midna wejigiisa waa la arkayey...waxay wateen baaskoolado...waxay jebiyeen dhalada kaddibna gabadhaha waxay ku khasbeen in aysan is dhaqaajin...gabadha dhimatay way qaylisay sidaas ayey xabadda ugu dhufteen" Xamdi Maxamed oo sharraxeysa sida ay wax u dheceen ayaa sidaas tiri.

Tuugta dhaca geystey ayaa sidoo kale diley mid kamid ah saddexda haweenka ah ee la dhacay, taas oo lagu magacaabi jirey Caasho Cali Shire, kaddib markii ay si xooggan isaga caabisay ayna isku dayday in ay mid kamid ah labada nin qabato.

Ma cadda ilaa iyo hadda qiimaha dababka la dhacay, wuxuuna falkani noqonayaa kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee abid ka ka dhaca suuqa dahabka ee magaalada Boosaaso.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland