3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 21, 2013
Wadahadalladii dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba oo is-afagarad ku dhamaaday iyo Qodobo lagu heshiiyay

Isniin, October 21, 2013(HOL) :- Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose lagu soo gabagabeeyay wadahadallo qaatay mudo laba maalmood ah oo u dhexeeyay masuuliyiinta maamulka KMG ee Jubba iyo dowladda Soomaaliya, iyadoona sidoo kale ay wadahadalladani goobjoog ka ahaa xubno ka socday ururka Midowga Afrika.

Kadib dood dheer iyo is fahanwaa ku aadan qodobadii laga wadahadlayay ayay labada dhinac ugu danbeeyntii si wadajir ah isugu afgarteen qodobadii ugu darnaa ee uu muranka ka taagnaa.

Qodobada ay labada dhinac ay ku heshiiyeen ayaa waxaa kamid ahaa in hogaamiyaha maamulka Jubba uu kasoo qeybgeli doono shirka looga hadlayo arimaha Jubooyinka ee ay dowladda Soomaaliya iclaamisay in lagu qaban doono magaalada Muqdisho.

In lasoo xareeyo ciidamada ku sugan duleedka Kismaayo ee uu hogaamiyo COL Barre Aadan Shire (Hiiraale), iyadoona soo xareyntooda ay ka wada shaqeyn doonaan guddiyo ka kooban dowladda Soomaaliya, maamulka Jubba iyo AMISOM.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed iyo hogaamiyaha maamulka Jubba oo heshiiskooda kadib warbaahinta la hadlay ayaa labaduba guul ku tilmaamay go'aanka ay gaareen, waxayna sheegeen in hada kadib la ambaqaadi dooni sidii loo dhaqan gelin lahaa waxyaalaha ka dhiman heshiisyada ay labada dhinac gaareen.

Hogaamiyaha maamulka Jubba ayaa hore u shaaciyay in uusan ka qeybgeli doonin shirka ay dowladu sheegtay in lagu qaban doono Muqdisho, wuxuuna heshiiskani meesha ka saarayaan khilaafkii ka dhex aloosnaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubba ee ku aadanaa hanaanka siyaasadeed ee gobollada Jubooyinka.

Wafdigii ka socday dowladda Soomaaliya ee uu hogaaminayay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa heshiiska kadib dib ugu laabtay dhanka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, iyadoona ay sii sagootiyeen masuuliyiinta ugu sareeysa ee maamulka Jubba.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.













Click here
10/21/2013 11:16 AM EST
Isniin, Oktoobar 21, 2013 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, dajire Nicholas Kay oo soo saaray warsaxaafadeed uu kaga hadlayay socdaal laba maalmood qaatay oo uu ku tagay Puntland, ayaa sheegay in madaxda Puntland ay isku afgarteen waxyaabihii ay kawada hadleen oo dhan.

10/21/2013 10:44 AM EST
Isniin, Oktoobar 21, 2013 (HOL) — Jaamacadda Bay (BU) waxaa la unkay 5-ta bishii May ee sannadkan, waxaana fikrada lagu unkay lahaa dhallinyaro aqoonyahanno ah oo Somali ah, kuwaaoo isugu jira dhaqatiir iyo Injineerro oo dhamantood kasoo qalin-jabiyay jaamacado ku yaala dalka iyo dibadiisa.

10/21/2013 9:01 AM EST
Isniin, Oktoobar 21, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Somaliland Mr:Nuux Sheekh Muuse Ducaale, ayaa uga digay wasaaradaha inay iska sii qortaan shaqaale,isla markaana sheegay in wasaarad kasta shaqaalaha ay rabto si furan loo baahin doono boosaska ka banaan oo ay ka soo qaybgali doonaan muwaadiniinta shaqo doonka ah ee suuqa joogga.

10/21/2013 8:52 AM EST
Isniin, Oktoobar 21, 2013 (HOL) — Waxaa maanta la dhacay saddex kamid ah dukaammada dahabka ee suuqa magaalada Bosaaso. Dad goob-joogeyaal ahaa ayaa HOL u sheegay in dhaca ay geysteen labo nin oo baaskoolado ku hebeysnaa.

10/21/2013 8:45 AM EST
Isniin, Oktoobar 21, 2013 (HOL) —Hay’adda samafaka ee Humanitarian African Relief Organization (HARRO) ayaa soo gaba-gabeysay barnaamijka xoolo-qalka ee ciidul-adxa, iyadoo hilbo u qaybisay qoysas danyar ah oo ku nool Muqdisho, Gaalkacayo iyo Baydhabo iyadoo qaybisay hilbaha xoolo isugu jira ari iyo lo’.

10/21/2013 8:29 AM EST
Isniin, Oktoobar 21, 2013 (HOL) — Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, Jen. C/xakiin Daahir Siciid (Saacid) iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa maanta safar lama filaan ah ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

10/21/2013 8:01 AM EST
Isniin, Oktoobar 21, 2013 (HOL) — Jaamacada Banaadir ayaa ka mid noqotay 20 jaamacadood oo ku midoobay mashruuc caalami ah oo ku saabsan sidii dowladaha Afrika ee dagaallada iyo dhibaatooyinku la dageen ay dib ugu soo kaban lahaayeen iyagoo isku tashanaya waxaana loogu magac daray mashruucan cusub Resilient Africa Network (RUN).

10/21/2013 7:42 AM EST
Isniin, Oktoobar 21, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo shalay ka hadlayay xaflad loo magac-daray Mashujaa Day oo shalay lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee Nyayo Stadium ee magaalada Nairobi ayaa ka dalbaday shacabka Kenya inay ka shaqeeyaan ammaanka dalka.

10/21/2013 7:20 AM EST
Isniin, Oktoobar 21, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa howgallo ay maanta ka sameeyeen degmada Kaxda oo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir kusoo qabqbatay dhallinyaro fara badan oo lagu tuhmay inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

10/21/2013 7:01 AM EST
Isniin, Oktoobar 21, 2013 (HOL) — Mas’uuliyiintii lasoo shaqeeyay dowladdii dhexe ee Soomaaliya oo qaarkood ay maanta la hadleen warbaahinta dalka ayaa waxay ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan dowladda federaalka ee hadda shaqeynaysa, maadaama dalka uu soo maray 22-sano oo dhibaatooyin iyo colaado ah.

10/21/2013 6:50 AM EST
Isniin, Oktoobar 21, 2013 (HOL) — Hay’adda Cunnada iyo Beeraha Dunida ee FOA ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay cunaan kalluun fara badan intii ay gaajo hayn lahayn, ayay ku sheegay hay’addan warbixin ay soo saartay 17-kii bishan Oktoobar.

10/21/2013 2:39 AM EST
Isniin, Oktoobar 21, 2013 (HOL) — Roobabka xilliga Dayrta ayaa ka da'ay deegaano badan oo ka tirsan Puntland. Gobollada ay roobabka fiicani ka da'eenna waxaa kamid ah: Karkaar, Nugaal, Mudug, Sanaag iyo Bari.

10/21/2013 2:26 AM EST
Isniin, Oktoobar 21, 2013 (HOL) — Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) ayaa sheegay inuusan ka qaybgalayn shir looga hadlayo arrimaha Jubbooyinka oo lagu qabanyo magaalada Muqdisho, kaddib kulan ay Kismaayo ku yeesheen isaga iyo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed.

10/21/2013 2:25 AM EST
Isniin, Oktoobar 21, 2013 (HOL) — Kaamirooyinkii ku xiranaa xarunta laga adeegto ee Westgate Mall ee magaalada Nairobi ayaa laga helay muuqaallo muujinaya askarta Kenya oo qaadanaya alaabooyin yaallay xaruntaas intii uu socday howlgalkii Al-shabaab looga saarayay dhismayaas bishii hore.