4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 21, 2013
Warbixin ku Saabsan Habka Wax-barashada ee Jaamacadda Bay oo ka mid ah Jaamacadaha ku yaalla Baydhabo (SAWIRRO)


Isniin, Oktoobar 21, 2013 (HOL) — Jaamacadda Bay (BU) waxaa la unkay 5-ta bishii May ee sannadkan, waxaana fikrada lagu unkay lahaa dhallinyaro aqoonyahanno ah oo Somali ah, kuwaaoo isugu jira dhaqatiir iyo Injineerro oo dhamantood kasoo qalin-jabiyay jaamacado ku yaala dalka iyo dibadiisa.

Kaddib burburkii Soomaaliya, waxaana iyana burbur xoog uu ku yimid gabi ahaan adeegyada ay ugu horreyso waxbarashada iyo cafimaadka kuwaasoo muhiim u ah bulsho walba oo aduunka ku nool. Anagoo maskaxda  ku hayna in burburkaas ay sabab u ahayd waxbarasho la’aan ayaan waxaa go’aan ku gaarnay inaan sameynno jaamacaddan.

Kuliyadaha lagu furay jaamacadda Bay waxaa ka mid ah:

1. Kuliyadda Caafimadka (MBBS)
2. Kuliyadda Ganacsiga (BA)
3. Kuliyadda Cilmiga Kambiyuutarka (IT)
4. Kuliyadda Kalkaliyaha caafimadka (Nursing)
5. Kuliyadda Faya-dhowrka guud (Public Health)
6. Kuliyadda Sheybaarka (Labaratory) iyo
7. Kuliyadda Shareecada Islaamka

Wax-qabadka Jaamacadda:

I. Bay University (BU) iyadoo jirta in ka yar hal toddobaad ayay waxay ku qabatay Baydhabo siminnaar ay kasoo qayb-galeen qaybo badan oo ka mid ah bulshada, kaas oo ay ku barteen ahmiyada uu leeyahay caafimadka iyo sida ugu habboon oo qofka u dhowri karo caafimadkiisa.

II. Jaamacaddu waxay fulisay tababarro socday in ka badan hal toddobad oo ay ka faa’iidayteen ganacsatada ku dhaqan magaalada kaasoo lagu baranayay qaybaha kala duwan ee ganacsiga.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

III. Madama aynu ognahay in Bay University ay leedahay kuliyad caafimaad ayaa mamulka waxay garteen in la furo xarun caafimaad si wax loogu baro ardayda dhigata kuliyadda caafimadka.

IV. Kuliyadaha jaamacada kuma koobna dhinaca waxbarashada laakiin sidoo kale dhaqaatiirta jaamacadda wax ka dhigta waxay awood u yeesheen inay fiisito lacag la’aan ah u sameeyaan bukaanada kala duwan ee soo booqda ama jiifa isbitaalka weyn ee mahaalada Baydhabo.

V. Annagoo ka duulayna baahida dhaqaale iyo mid waxbarasho ee da’yarta Soomaaliyeed ku habsatay jaamacaddu waxay go’aansatay iney u fidiso deeq waxbarasho oo lacag la’aan ah ardayda kaalmiha hore ka gashay iskuullada ku yaalla Baydhabo, walina jaamacaddu waxay diyaar u tahay in ay gacan kasii gaysato kor u qaadista  tayada waxbarasho dhallinyarada Soomaaliyeed.

Hadafka Jaamcadda Bay: Waxaa jaamcadda Bay u qorshaysan inaan Iskaashi buuxa la yeelnano jaamacadaha Adduunka ka jira, taasoo aan bilownay meel fiicanna noo maraya.

Waxaa kaloo Bay University u qorshaysan inay is badallo la taaban karo oo leh mid waxbarasho iyo mid caafimaad ay  ka hir galiso guud ahaan dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Bay, Bakool iyo Gedo iyadoo kashanaysa ALLE, kaddibna gacan ka sugaysa dowladda Somalia, odayaasha dhaqanka, aqoonyahannada, culumaa’uddiinka, haweenka iyo dhamaan shacabka ku dhaqan gobolladan.

Baahida Jaamacad: Sida aan ogsoonahay jaamacad waliba oo adduunka ku taalla si ay ugu dhabeyso wax-qabadkeeda waxay u baahan tahay dhul, waayo jaamacaddu waxay hadda daggan tahay guri kiro ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya