4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 21, 2013
Guddoomiyaha Hay’ada shaqaalaha Somaliland oo ka digay in wasaaraduhu ay Shaqaale Qortaan iyadoon aan lasoo marin

Isniin, Oktoobar 21, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Somaliland Mr:Nuux Sheekh Muuse Ducaale, ayaa uga digay wasaaradaha inay iska sii qortaan shaqaale,isla markaana sheegay in wasaarad kasta shaqaalaha ay rabto si furan loo baahin doono boosaska ka banaan oo ay ka soo qaybgali doonaan muwaadiniinta shaqo doonka ah ee suuqa joogga.

Guddoomiyaha ayaa wasaaradaha ugu baaqay in jagooyinka ka banaan ee miisaaniyada 2014 ugu jiraan shaqaale cusubi ay hay’adda shaqaaluhu imtixaan furan ka qaadi doonto, sidaa darteed aaanay wasaaraduhu si ku meel gaadh ah usii qorin shaqaale si fudud loo shaqaalaysiiyo iyagoo soo marin nidaamka dastuurku jideeyey.

“Guddida hay’adda shaqaalaha dawladdu waxay ku wargelinaysaa dhamaan wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee madaxa banaan ee ay ugu jiraan jagooyin banaan miisaaniyada 2014 in la marin doono tartan imtixaan oo u furan muwaadiniinta reer Somaliland ee buuxiya shuruudaha looga baahdo”ayuu yidhi gudoomiyaha guddida hay’adda shaqaalaha dawladda Mr:Nuux Sheekh Muuse oo ka hadlayey qaabka loo qaadanayo shaqaalaha.

“Lama ogola in la qaato shaqaale Temporary ah sida sharcigu dhigayo dhamaan muwaadiniinta reer somaliland ee buuxiya shuruudaha shaqo qorista ee looga baahdo way u wada siman yihiin fursadaha shaqo ee ka banaanaadda xafiisyada dawladda”ayuu yidhi, isago intaas ku daray “sidaa darteed wasaarada ama hay’adda qorata shaqaale (Temporary) ah waxay hay’adda shaqaalaha ula siman yihiin muwaadiinta shaqo doonka ah ee Somalilanderka ah”

Si kataba ha ha ahaaatee, dhalinyarada shaqo doonka ah ayaa wasiiradda ku dhaliila inay shaqaalaha ku qaataan garasho iyo eex, isla markaana shaqaalaha ay u baahan yihiin intay sii qortaan u gudbiya hay’ada shaqaalaha si imtixaan looga qaato, taasina waxay keentay cadaalad daro, sidaa darteed waxa uu gudoomiyuhu sheegay in aanay dhici karin arrintaasi, isla markaana mudadii uu joogay aanay dhicin, waxaanu intaas ku daray in wasaarad kasta shaqaalaha u baahantahay ay hay’addani uga masuul tahay, isla markaana qof kasta oo soo buuxiya shuruudaha laga rabo uu imtixaanka galayo.

Sidoo kale, waxaa jira in wasaaraduhu shaqaalaha ay doonayaan inay qortaan ku sheegaan inay wasaaradda hore ugu shaqayn jireen oo qaab Tambareeri ahaan u shaqayn jireen, si hadhow ugu fududato shaqaalaynta,isla markaana ka fursad fiicnaado ka suuqa joog, haseyeshee arrimahaasi ayuu sheegay inuu joojiyey isagoo ku tilmaamay inay khalad tahay oo ka hor imanayso nidaamka shaqo qorista muwaadiniinta.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland