4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 21, 2013
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo Howlgallo ay Muqdisho ka sameeyeen kusoo qabqabtay dhallinyaro fara badan

Isniin, Oktoobar 21, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa howgallo ay maanta ka sameeyeen degmada Kaxda oo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir kusoo qabqbatay dhallinyaro fara badan oo lagu tuhmay inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

Howlgalkan oo socday muddo saacado ah ayay ciidamadu waxay guri-guri ugu baareen degmadaas oo ku taalla dhinaca koonfur galbeed ee xarunta Soomaaliya, waxaana howgalladan ay ku sheegeen kuwo lagu ammaanka guud ee caasimadda lagu sugayo.

Guddoomiyaha degmada Kaxda, C/weli Yuusuf Axmed oo warbaahinta kula hadlay degmadaas maanta ayaa sheegay in howgaladdu ay ahaayeen kuwo lagu sugayo ammaanka degmada iyo guud ahaan Muqdisho.

“Waxaa howgalladan lagu soo qabqabtay dhallinyaro lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, waxaana shacaka degmada ku boorrinaynaa inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si ammaanka loo sugo,” ayuu saxaafada u sheegay guddoomiyaha degmada Kaxda.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee hoggaaminayay howgalka ayaa iyaguna u sheegay qaar ka mid ah warbaahinta in howgalkan uu ahaa mid ka mid ah howlgallada ay ka wadaan Muqdisho, si ay uga sifeeyaan caasimadda dad ay ku sheegeen inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab oo ammaan-darro wada.

Dhallinyaradii howgalkan lagu soo qabqabtay ayaa qaarkood lagu xiray qaar ka mid ah xabsiyada Muqdisho, iyadoo saraakiishu ay sheegeen in baaritan lagu sameyn doono, ciddii aan dambi yeelanna lasii dayn doono.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidamada dowladdu ay baaritaanno sidan oo kale ah ka sameeyaan degmooyinka gobolka Banaadir, inkastoo ay weli ka dhacayaan caasimadda falal ammaan-darro oo u badan dilal qorsheysan.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii laba askari oo ka tirsan ciidamada dowaldda Soomaaliya lagu dilay xaafadda ZONE K oo ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kaddib markii askartan lagu weeraray guryo ay xaafaddaas ka degenaayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya