4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 21, 2013
Hay’adda Cunnada iyo Beeraha Dunida ee FAO oo dadka Soomaaliyeed ugu baaqday inay lasoo baxaan Kalluun fara badan

Isniin, Oktoobar 21, 2013 (HOL) — Hay’adda Cunnada iyo Beeraha Dunida ee FOA ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay cunaan kalluun fara badan intii ay gaajo hayn lahayn, ayay ku sheegay hay’addan warbixin ay soo saartay 17-kii bishan Oktoobar.

FAO oo kaashanaysa dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay waddo howl ay ku ballaarinayso kalluumeysiga, iyadoo xustay inay dadka Soomaaliyeed u baahan yihiin inay kalluunka ka soo saartaan badda, maadaama ay tahay Soomaaliya dalka ugu xeebta dheer Qaaradda Afrika.

“Ujeeddada ugu weyn ee arrintan laga leeyahay waa sidii loogu dhiiri-gelin lahaa inay khayraadka badda ula soo bixi lahaayeen, gaar ahana dadka ku jira xeryaha barakacayaasha,” ayaa lagu yiri warbixinta ay hay’addu soo saartay maanta.

Sidoo kale, haya’adda ayaa warbixinteedan ku sheegtay in gobollada dalka Soomaaliya ay maraan laba webi ayna tahay inay kala soo baxaan kalluun si ay u cunaan oo ay gaajada uga baxaan.

Ololahan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo hay’adda FOA iyo dowaldda Soomaaliya ay ugu jiraan sidii ay shacabku ula soo bixi lahaayeen kalluunka oo ah khayraad uu Alle u manneystay Soomaaliya.

Hay’adda FAO ayaa ugu dambeyn sheegtay inay waddo howlo looga shaqeyn doono sidii lagu horumarin lahaa kalluumeysiga Soomaaliya, iyadoo xustay inay bixinayso tababarro la xiriira sida loo jallaabto ayna qalab siin doonto dadka ay tababarrto si ay kalluun fara badan u soo saaraan.

Soomaaliya ayaa waxaa lagu tilmaamaan dalalka caalamka ee baahidu ay ka jirto, iyadoo dalkan uu Alle u manneystay khayraad barriga iyo badda ah oo ay ku heli karaan shacabkooda raashin ku filan oo ay ku noolaadaan iyo mid ay dunida u dhoofiyaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya