4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 21, 2013
Madaxweynaha Kenya oo ka Dalbaday Shacabka Dalkiisa inay Amniga kala shaqeeyaan Hay’adaha kala duwan ee Ammaanka

Isniin, Oktoobar 21, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo shalay ka hadlayay xaflad loo magac-daray Mashujaa Day oo shalay lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee Nyayo Stadium ee magaalada Nairobi ayaa ka dalbaday shacabka Kenya inay ka shaqeeyaan ammaanka dalka.

Kenyatta ayaa sheegay in shacabka ay looga baahan yahay inay kaalintooda ka qaataan sidii ay amaanka uga shaqeyn lahaayeen, wuxuuna ka dabaday inay dadka ku nool 10-kii guriba la socdaan cidda kusoo korortay.

“Waxaan doonaynaa in ammaanka dalku uu ka yimaado shacabka ,ayna la socdaan wixii kusoo kordha, isagoo sheegay in ammaanka dalka uu yahay mid saaran shacabka ayna iska ilaaliyaan kuwa dhibaatada u geysanaya,” ayuu madaxweynaha Kenya ka yiri xafladda. Isagoo intaas raaciyay in amniga oo si wadajir ah looga shaqeeyo ay tahay mid muhiim u ah dadka Kenya.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay qalab dheeraad ah siinayso ciidamada amniga si ay awood ugu yeeshaan inay ka hortgaan cid walba oo doonaysa inay dhibaato ka geysato gudaha dalkooda.

“Arrinta ugu horreysan ee nagala doonayo waa inaan ammaanka adkeynno, waana ogaan karnaa cid walba oo dhibaato doon ah oo nagu soo kororta. Waana muhiim in si wadajir ah loo shaqeeyo. Qofka bambada wata iyo kuwa hubka shaci-darrada soo gelinaya dalka waa in la qabto waana in ilmaheena aanay duufsan kuwa dhibaatada wada,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha oo si hadlay ayaa sheegay in xukuumaddu ay waddo qorshe ay kaga hortagayso in dhallinyarada Kenyanka ah, isagoo sheegay ina tani ay tahay mid ay kaga hortagayaan in falal ammaan-darro dalkooda ay mar kale ka dhacaan.

“Xukuumaddu waxay sameyn doontaa wax walba oo awooddo si shacabka loogu qanciyo inay soo sheegaan kuwa doonaya inay dhibaatada geystaan. Waxaana loo baahan yahay in si wadajir ah looga tago kuwa cadowga ah ee doonaya inay ammaanka iyo magaca dalkeenna xumeeyaan,” ayuu mar kale ku yiri khudbaddiisa oo ahayd mid aad u dheer.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay inay muhiim tahay in Kenyanku ay si aad ah uga taxadaraan kuwa doonaya inay dilaan ama boobaan, isagoo sheegay in dalkiisu uu sumcad weyn ku leeyahay dunida, ayna ka qaybqaadan doonaan nabadeynta dalalka dariska la ah sida Soomaaliya.

Hadalka madaxweynaha Kenya ayaa wuxuu kusoo beegmayaa bil kaddib markii ay Al-shabaab ay weerar qaatay afar maalmood ku qaadeen xarun ganacsi oo ku taalla magaalada Nairobi taasoo ay ku dhinteen 67-qof oo isugu jiray Kenyan iyo ajaanib dalkaas ku sugnaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya