4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 21, 2013
Mas’uuliyiintii lasoo Shaqeeyay Dowladdii Kacaanka ahayd oo Shacabka ka dalbada inay taageeraan Dowladda Federaalka


Isniin, Oktoobar 21, 2013 (HOL) — Mas’uuliyiintii lasoo shaqeeyay dowladdii dhexe ee Soomaaliya oo qaarkood ay maanta la hadleen warbaahinta dalka ayaa waxay ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan dowladda federaalka ee hadda shaqeynaysa, maadaama dalka uu soo maray 22-sano oo dhibaatooyin iyo colaado ah.

Maanta oo ay bisha Oktoobar ku beegan tahay 21 ayaa waxay ahayd markii ay xukunka dalka la wareegtay sannadkii 1969-kii dowlad milaterigu uu hor-kacayo, taasoo uu madaxweyne ka ahaa Jen. Maxamed Siyaad Barre oo ku geeriyooday dalka Nigeria bishii Jannaayo ee sannadkii 1995-kii.

“Soomaalida waxaan kula taliyaa inay dhibaatada iska daayaan oo ay kala soo baxaan dalka khayraadka ku jira. Waayo guryo la dhaco, dad xoolihii oo la boobo, dhiigga dad oo la banneysto, iyadoo loo dilayo waa keer iyo wax la mid ah; haddii tani sii socoto waxay horseedi karaan dhibaato intaan kasii badan,” ayuu yiri Jen. Barre oo shacabka kala hadlayay qalabka warbaahinta markii uu xukunka la wareegay.

Jen. Barre ayaa sidoo kale wuxuu ku boorriyay Soomaalida inay dhulkooda kala baxaan khayraadka, isagoo sheegay in baahi ay jirto inta xabbad la isku haystana aan laga bixin karin baahida iyo dhibaatooyinka.

Sidoo kale, Col. Maxamed Xasan Nuur oo ka mid ah saraakiishii xukuumaddii Kacaanka lasoo shaqeeyay ayaa sheegay in madaxweynihii hore uu qabtay wax badan oo muuqda, loona baahan yahay in Soomaalidu ay ka fikirto sidii ay dhibaatada uga bixi lahayd.

“Allaha u raxmadee Maxamed Siyaad Barre wuxuu ahaa hoggaamiye caadil ah, waayo wax badan ayuu dalka u qabtay, tan iyo marki la ridayna dalka ma soo marin dowlad caadil ah. Balse waxaan kula talinayaa shacabka inay taageeraan dowladda federaalka oo doonaysa in dalka ay dhibaatadii uu soo maray ka saarto,” ayuu hadalkiisa ku daray Col. Maxamed Xasan oo qalabka warbaahinta Soomaalida kula hadlay maanta Muqdisho.

Xukuumaddii Kacaanka ayaa waxay talada dalka kula wareegto si awood ah iyadoo afgambisay xukuumaddii xilligaas jirtay, kaddib maalmo yar markii magaalada Laascaanood ee gobolka Sool lagu dilay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, C/rashiid Cali Sharma’arke oo xukunka kula wareegay doorasho xor ah.

Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa dalka soo maray dhibaatooyinka isugu jira colaado, abaaro iyo dhibaatooyin kale, taasoo keentay in malaayihiin qof oo Soomaali ah ay qoxooti ku noqdaan caalamka oo dhan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya