4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 22, 2013
Ciidamada AMISOM ee Magaalada Kismaayo ku sugan oo qarxiyay Miino iyo Kooxo isku rasaaseeyay gudaha Magaaladaas

Sabti, Juun 22, 2013 (HOL) — Ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ee ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta qarxiyay Miino lagu aasay mid ka mid ah wadooyinka muhiimka ah ee dhexmara magaaladaas.

Miinadan ayaa lagu aasay agagaarka Masjidka weyn ee Xaaji Jaamac gaar ahaan wadada aada suuqa weyn ee Imbultooriyo, waxaana saaka aroortii goobta qaraxa lagu aasay tagay ciidamo ka tirsan maamulka kuwaasoo ay ku soo wargeliyeen dadka deegaanka.

Goobta miinada lagu aasay ayaa xirnayd ilaa saaka, waxaana maanta gelinkii danbe halkaasi gaaray ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, kuwaasoo qarxiyay Miinadii halkaasi la geliyay iyada oo aysan cidina wax ku noqon.

Dhanka kale, israsaaseyn ayay maanta gudaha magaalada Kismaayo ku dhexmartay maleeyshiyo beeleedyo, iyadoona dhacdadani ay salka ku heysay aano qabiil oo u dhexeeysay laba beelood oo ka mid ah beelaha dega Kismaayo.

Is-rasaaseyntii maanta ayaa waxaa ku dhintay hal askari iyadoona ay laba kale dhaawacyo kasoo gaareen laba kale, waxaana sidoo kale xiisadihii maanta ay saameyn ku yeesheen dadka ku dhaqan xaafadda Calanleey ee magaalada Kismaayo oo ahayd goobtii ay labada dhinac dirirtu ku dhexmartay.

Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa imika ah mid daggan iyadoona lagu guuleeystay in la kala qaado maleyshiyooyinkii dagaalamay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya