11/22/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 22, 2013
Taliyaha booliska Somaliland oo sheegay inay dad u soo qabteen laba dil oo Toddobaadkii hore ka dhacay Hargeysa


Sabti, Juun 22, 2013 (HOL) — Taliyaba Booliska Somaliland Gen:Cabdilaahi Imaan Fadal, ayaa sheegay inay soo qabqabteen dad lagu tuhmayo inay dhowaan laba dumar ah ku dileen magaaladda Hargeysa iyo dad kale oo ah dad caruurta tahriibiya ah.

Taliyaha oo maanta warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay inay laba dil ah oo toddobaadkii hore magaaladda Hargeysa ka dhacay ay dadkii falkaasi geystay qaarkood xalay  qabtaan, halka tuug badan oo magaaladda dhibaato ku haysayna ay maxkamadda xukuno kala duwan ku riday.

“Ciidanka boolisku wuxuu galay baadhis qotodheer iyo xuuraan culus sidii  ay u heli lahaayeen laba dumar ah oo meelo kala duwan lagu dilay cidii dishay, xalay abaaro labaddii habeenimo ayaanu helnay laba qof oo lagu tuhmayo inay dileen mid ka mid ah gabadh bishan june 18 keeddii lagu dilay galbeedka magaaladda Hargeysa, waxa kale oo jiray gabadh kale oo lagu dilay calaamadaha waxa u xidhan hal dumar ah oo iyadana baadhis ayaa lagu waddaa”ayuu yidhi Taliye Fadal oo ka waramayey dad ay usoo qabqabteen dilal ka dhacay magaaladda Hargeysa.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu kaloo sheegay inay tuug badan ay qabteen, kuwaas oo xukuno lagu riday maanta, waxaanu yidhi “Waxaanu qabqabanay 48 qof oo tuug ah, waxaana maanta maxkamadda gobolku ku xukuntay laba bilood oo xadhig ah, waana hwlgal socon doonno”

Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay inay qabqabteen dad lagu tuhmayo inay tahriibiyaan dhaLlinyarada kuwaas oo la horgeeyey maxkamadda gobolka Gabiley.

“Ciidanka Booliska oo kaashanaya ciidanka socdaalka Somaliland waxay ku guulaysteen 160 dhalinyaro la tahriibinayey inay soo qabtaan una soo gudbiyeen waalidkood, kuwii tahribinayeyna waxay maxkamadu kaga socotaa Maxkamadd Gabiley, waxa kale oo jira shakshiyaad iyaguna la raadinayo waana aafo qaran dhalinyarada la tahriibinayo”ayuu sheegay taliyuhu mar ay ka hadlayeen dad ay ku soo qabqabteen tahriibka iyo kuwa wax tahriibiyaba.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Siiro), oo ka mid ah culimada waaweyn ee magaaladda Hargeysa ayaa bulshada ugu baaqay in qofkii soo sheega dadka wax tahriibiya abaalgud uu siin doonno si sharciga loo horgeeyo, isla markaana wax looga qabto dhalinyaradda la tahriibinayo.

Si kataba ha ahaatee,  toddobaadkii hore horaantiisii ayaa waxa laba dumar ah lagu dilay galbeedka iyo koonfurta magaaladda Hargeysa, taas oo dadka magaaladda ka yaabisay, isla markaana si wayn loo hadal hayey, haseyeeshee waxa la sheegay in dadkii lagu tuhmayey dilalkaasi gacanta lagu hayo ka dib baadhitaan dheer, waxaana labaddaasi dumar mid Toori lagu dilay mid rasaas.

Falka dilka ah ayaa ah mid ku cusub magaaladda, waxa inta badan dilkaasi sababay tuug Moobiladda dhacaya, taas waxay dadweynaha ku eedeeyeen xukuumadda maadaama oo dhowaan xabsiyada ka si daayeen dad ku dhow boqol tuug ah oo xabsiyadda ku jira, taasina waxay keentay inay bataan dilalka iyo dhaca dadka habeenkii socda oo aan hore loo arki jirin.

Mar kasta oo madaxweynuhu cafiyo tuugta ku jirta xabsiyadda, waxa bata dhaca iyo tuugadda ay sameeyaan ragaasi, waxanay keentaa in mar labaad dib loo soo qabqabto oo xabsiyada lagu guro, ka dib markay dadku khaatiyaan ka joogsadaan falalka ay ku kacaan Tuugtaasi.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland










Click here
6/22/2013 3:57 PM EST
Sabti, Juun 22, 2013 (HOL) — Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa caawa weeraray fariisin ay ciidamada dowladdu ku lahaayeen suuqa xoolaha lagu iibiyo ee magaalada Baydhabo, kaasoo socday muddo saacad ah, iyadoo sidoo kale uu maanta qarax weyn oo khasaare geystay ka dhacay degmada Qansaxdheere ee isla gobolka Bay.

6/22/2013 3:41 PM EST
Sabti, Juun 22, 2013 (HOL) — Wasiirka warfaafinta, boostada iyo gaadiidka xukuumadda Soomaaliya, C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa maanta sheegay in dib loo furayo 26-ka bisha Juun ee sanadkan oo ku beegan markii gobollada waqooyi ee dalka ay ka xoroobeen gumeystihii Ingiriiska in dib loo furi doono boosatadii weynayd ee dowladda.

6/22/2013 12:53 PM EST
Sabti, Juun 22, 2013 (HOL) — Ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ee ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta qarxiyay Miino lagu aasay mid ka mid ah wadooyinka muhiimka ah ee dhexmara magaaladaas.

6/22/2013 11:14 AM EST
Sabti, Juun 22, 2013 (HOL) — Hay’adaha muslimiinta dalka Mareykanka oo qoraal u diray ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee uu siiyo qoxootiga ku nool dalalka Islaamka iyo kuwa kale ee caalamka.

6/22/2013 11:13 AM EST
Sabti, Juun 22, 2013 (HOL) — Beeraleyda ku nool deegaannada hoos-yimaada degmada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa ka cabanaya cudurro iyo cayayaan waxyeelleeyay dalaggoodii, iyadoo la soo sheegayo in dalaggii beeraha ee sannadkan siiba Masagada ay baabi’iyeen cudurro iyo cayayaan.

6/22/2013 10:45 AM EST
Sabti, Juun 22, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa maanta qasriga madaxtooyadda ku qaabilay labadda gobol ee ku kala guulaystay koobka kubadda cagta iyo koobka kubadda Gacanta ee basketka looyaqaan.

6/22/2013 9:28 AM EST
Sabti, Juun 22, 2013 (HOL) — Guddiga qaban-qaabada munaasabadaha 26-ka Juun iyo 01-da Luuliyo ee maalmaha xorriyadda dalka ayaa maanta ku yeeshay Muqdisho shir ay kaga hadlayeen qaabkii loo wajihi lahaa dabaal-dagyadan lagu weynaynayo maalmaha xorriyadda dalka.

6/22/2013 9:24 AM EST
Sabti, Juun 22, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo maanta ka hadlayay kulankii ay yeesheen xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo jeediyay in xildhibaannadu ay ka doodaan laba qodob oo midkood uu yahay sidii lagu sameysan lahaa xisbiyo siyaasadeed.

6/22/2013 8:54 AM EST
Sabti, Juun 22, 2013 (HOL) — Kulan lagu cambaareynayay qaraxii Arbacadii ka dhacay Xarunta UNDP ee magaalada Muqdisho ayaa maanta ka dhacay hoteelka Global ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb-galeen qaar ka mid ah culummada Soomaaliyeed, kuwaasoo hadallo ka jeediyay kulanka oo ay soo qabanqaabisay hay’adda wada-hadalka bulshada ee CCD.

6/22/2013 8:17 AM EST
Sabti, Juun 22, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Koofurta Afrika, Jacob Zuma oo ka hadlay dilalka waddankiisa loogu geysto dadka ajaanibta ah ee ku nool oo ay Soomaalidu ka mid tahay, isagoo sheegay in weerarrada lala beegsado dadkaas ay xal u raadinayaan.

6/22/2013 8:01 AM EST
Sabti, Juun 22, 2013 (HOL) — Baarlamaanka Puntland oo xilligan uu magaalada Garoowe uga socdo kal-fadhigoodii 30-aad, ayaa dib u dhigay meelmarinta Maxkamadda Dastuuriga ah, taasoo ay dhowrkii maalmood ee uu ugu danbeeyey ay ka doodayeen.

6/22/2013 7:56 AM EST
Sabti, Juun 22, 2013 (HOL) — Lix dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay dagaal xoogag kawada tirsan kooxdan ku dhexmaray degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose, sida ay warbaahinta caalamka ka soo xigatay goobjoogayaal ku sugan degmadaas.

6/22/2013 7:28 AM EST
Sabti, Juun 22, 2013 (HOL) — Ciidamada booliiska magaalada Boorama ee gobolka Awda ayaa xabsiga dhigay odayaal iyo aqoonyahanno kasoo jeeda deegaanka Xariirad oo ka tirsan gobolka Awdal ee Somaliland.

6/22/2013 5:34 AM EST
Sabti, Juun 22, 2013 (HOL) — Ku dhawaaw toban dukaan oo intooda badan ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed ayaa lagu boobay sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay xaafadda Kraafontein ee ku taalla duleedka magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

6/22/2013 5:14 AM EST
Sabti, Juun 22, 2013 (HOL) — Waxaa magaalada Hargeysa shalay kusoo gaba-gaboobay kulan diimeed ay ka soo qaybgaleen muslimiin lagu qiyaasay shan iyo toban kun oo qof, kuwaas oo ka kala yimid shanta qaaradood ee aduunyada iyo guud ahaan goboladda ay soomaaliddu ka degto geeska afrika.

6/22/2013 5:11 AM EST
Sabti, Juun 22, 2013 (HOL) — Gobolka Maroodi jeex ayaa ku guuleysatay Jimcihii shalay ciyaarihii gobollada Somaliland, kaddib markii ay kooxdii ka socotay gobolka Hawd ay kaga badiyeen hal gool oo keliya.