4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 22, 2013
Ciyaarihii Gobollada Somaliland oo la soo Gunaanaday iyo Gobolka Maroodi-Jeex oo Mar Labaad ku guuleysatay Koobka


Sabti, Juun 22, 2013 (HOL) — Gobolka Maroodi jeex ayaa ku guuleysatay Jimcihii shalay ciyaarihii gobollada Somaliland, kaddib markii ay kooxdii ka socotay gobolka Hawd ay kaga badiyeen hal gool oo keliya.

Tartankan oo ay ka soo qaybgaleen 13 gobol ayaa waxa gabogabadii iskugu soo hadhay afarta xul ee goboladda Maroodi jeex, HAWD, GABILAY IYO DAAD MADHEEDH,kuwaas oo ay ka sii hadhen labaddan gobol galabta koobka kala qaatay.

Labaddan gobol ayaa soo bandhigay ciyaar aad u wanaagsan, isla markaana mid waliba ku dadaalayey inuu isagu koobka qaado, haseyeeshee sagaashankii daqiiqadood midna wax gool ah muu dhalin, waxaana markii dambe loo dhigay gool ku laag ay shan gool dhashadeen gobolka Hawd, halka lix goolna ay dhashadeen gob olka Maroodi jeex, taas oo sidaas ku qaadatay koobkii.

Sidoo kale, xalay kubadda gacanta waxa iskugu soo hadhay gobolka Maroodi jeex iyo gobolka Gabiley, waxaana halkaasi guushu ku raacday koobkiina ku qaatay xulka gobolka Gabilay oo keenay 58 dhibcood,halka xulka gobolka Maroodi jeexna keenay 52 dhibcood.

Dadweynaha magaaladda Hargeysa oo kala taageersan gobolka Maroodi jeex iyo gobolka HAWD ayaa si weyn usoo buux dhaafiyey garoonka weyn ee Stadium Hargeysa oo ciyaarto si toos ah uga socotay.

Wasiirka dhalinyaradda ciyaaraha iyo dhaqanka Cali Siciid Raygal iyo xubno ka mid ah golaha Wasiiradda, ayaa halkaasi koobabki iyo biladihii ku gudoonsiiyey ciyaartoygii kala badiyey ee xulalka gobolka Maroodi jeex, Gabilay oo kubaddii gacanta badisay iyo gobolka HAWD oo faro cideed lagaga badiyey kubadda cagta.

Si kastaba ha ahaatee, dhawrkii todobaad ee u dambeeyey waxa si weyn loo hadal hayey cidda koobka qaadan doonta, waxaana dadku kala taageersanayeen goboladdii garoonka ku ciyaarayey, haseyeeshee gobolka Maroodi oo sanadkii hore 2012kii oo lagu ciyaaryey magaladda Burco koobka ka qaaday isla gobolka HAWD oo ay iskugu soo hadheen,ayaa mar labaad hadana ku guulaystay koobkii kubadda cagta oo uu isla gobolkii sanadkii hore ka badiyey iskugu soo hadheen, waxaanu gobolka Maroodi jeex noqonayaa gobolka ugu koobab qaadis badnaa tan iyo markii la bilaabay tartanka goboladda Somaliland, waxaanu hore u qaaday laba koob.

Taageerayaasha iyo ciyaartoyga gobolka MAROODI JEEX ayaa caawa ,iyago wata gaadiid farobadan oo hoon cod dheer ku xidhan yahay u dabaaldegaya  guushoodda, isla markaana ku wareegaya waroodiyinka magaaladda Hargeysa, iyagoo ku qaylinaya guusha Maroodi jeex baa leh.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland