4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 22, 2013
Ciidanka Booliiska Degmada Boorama ee Gobolka Awdal oo Xabsiga Dhigay Odayaal kasoo jeeda Deegaanka Xariirad

Sabti, Juun 22, 2013 (HOL) — Ciidamada booliiska magaalada Boorama ee gobolka Awda ayaa xabsiga dhigay odayaal iyo aqoonyahanno kasoo jeeda deegaanka Xariirad oo ka tirsan gobolka Awdal ee Somaliland.

Odayaasha iyo waxgaradkan ayaa qaarkood laga qabtay gudaha magaalada Boorame, halka kuwo kalena laga soo qabqabtay deegaanka Xariirad oo ay kasoo jeedeen, iyadoo odayaashaas ay hadda ku jiraan saldhigga degmada Boorame.

Xubnahan la xirxiray ayaa waxay tiradoodu gaaraysaa siddeed waxayna kala yihiin magacyadooda:

1. Caaqil Maxamed Samaale Bahdoon, (laga qabtay Boorame)
2. Caaqil Jibriil Saciid, (laga qabtay Boorame)
3. Aqoonyahan Maxamed Cilmi Faarax, (laga qabtay Boorama)
4. Caaqil Maygaag Daahir Bucul, (laga qbatay Xariirad)
5. Caaqil Bashiir Daahir Hanfi, (laga qabtay Xariirad)
6. Caaqil Cali Cumar Raage, (laga qabtay Xariirad)
7. Caaqil Cismaan Cabi Muuse, (laga qabtay Xariirad) iyo
8. Caaqil Catoosh Bile Cabilaahi (laga qabtay Xariirad)

Saraakaakiisha amnigu waxay ka gaabsadeen in arrintan ay ka bixiyaan wax faahfaahin ah, balse dadka indhaha ku haya xiisada ka aloosan Xariirad ayaa waxay qaqabashada xukuumada ee odayaashan la xiriiriniayaan dil dhawaan ka dhacay magaalada Xariirad.

Inkastoo dilka ninkii ugu dambeeyay ee Xariirad lagu dilay aanay jirin cid sheegatay mas’uuliyadiisa, haddana xaalka degaankaasi Xariirad ayaa ah mid deggen, walow aanay jirin nabadgalyo la mid ah horay uga jirtay.

Sidoo kale, dadka arrintan Xariirad u kuur-galaa aya waxay saadaalinayaan in haddii dilkan u dambeeyay ee Xariirad ka dhacay uu salka ku hayo wax aano beeleed ah in xadhiga odayaashan deegaanka Xariirad uu noqon doono mid lagu qaboojinayo xiisada, isla markaana ay xukuumaddu doonayso inay mag dhaw u noqdo xadhig qaatay muddo 80 maalmood ah oo ay odayaal reer Saylac ah ugu xirnaayeen sidan oo kale jeelka dhexe ee Boorama.

Khadro Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Somaliland