4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 22, 2013
Kulan lagu cambaareynayay Qaraxyadii iyo Weerarkii Xarunta UNDP oo lagu Qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Sabti, Juun 22, 2013 (HOL) — Kulan lagu cambaareynayay qaraxii Arbacadii ka dhacay Xarunta UNDP ee magaalada Muqdisho ayaa maanta ka dhacay hoteelka Global ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb-galeen qaar ka mid ah culummada Soomaaliyeed, kuwaasoo hadallo ka jeediyay kulanka oo ay soo qabanqaabisay hay’adda wada-hadalka bulshada ee CCD.

Sheekh C/qaadir Soomow oo ka hadlay kulanka ayaa tacsi u diray ehelladii ay ka geeeriyoodeen dadkii ku dhintay weerarkaas, isagoo xusay in halkaas lagu dilay dad shacab Soomaaliyeed ah iyo dadkii u soo gurmaday ee sama-falayaasha ahaa.

”Waxaan tacsi u diraynaa dhammaan dadkii ehelladooda ay weerarkaas ku naf-waayeen, waxaan soo dhaweynayaa go’aankii Qaramada Midoobey ee ahaa inaanay Soomaaliya uga tagayn dhibaatada,” ayuu yiri sheekhu ku yiri hadal uu kulankaas ka jeediyay.

Sheekha ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin in dhallinyaro Soomaaliyeed lagu qanciyo inay dilaan dad Soomaali ah iyo dad howlo gurmad ah dalka u jooga, waxaana uu tilmaamay inay xaaraan tahay in qofka is dilo, taasna ay ku muteysan karto cadaab Alle.

Sheekh Muuse Cagaweyne oo ka mid ah culumadii kulanka ka hadlay ayaa isaguna sheegay in loo baahan yahay in shacabku baraarugo, isla markaana dhibaatada jirta si wadajir ah uga hortageen, haddii kale ay sii soconayso.

”Qatarta inaan ka aamusto ma ahan, haddii aad ogtahay meel lagu diyaariyo waxyabaha qaraxa oo aad ka aamusto taasi waa dambi weyn iyo qiyaano, marka waa in la iska kaashado kuwa dambiilayaasha ah doonaya inay qarax sameeyaan waa in lasoo sheego si looga hortago,” ayuu Sheekh Cagaweyne ka sheegay kulankaas.

Guddoomiyaha Ahlusunna ee gobolka Banaadir, Sheekh Axmed Shuqul ayaa dhankiisa sheegay in falalka is qarxinta ah ay yihiin kuwo laga keenay meel ka baxsan Soomaaliya, isla markaana aanay diinta islaamku qabin in la is-qarxiyo.

”Fikirkan ah in qofka is-qarxiyo waa arrin dibadda laga keenay, Afgaanistaan iyo Bakistaan ayaa laga keenay, waana barnaamij ay ku howlgasho Kooxda Al-Qaacida,” ayuu hadalkiisa  raaciyay Sheekh Axmed Shuqul.

Sidoo kale, waxaa kulankaas ka hadlay guddoomiyaha Ahlusunna ee gobolka Gedo, Sheekh Ceydaruus Sayid Axmed isagoo dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay inay kasoo baxaan jidka ay ku socdaan oo uu tilmaamay inuu yahay mid aad u fool xun.

Ugu dambeyn, Sheekh Xasan Sh. Axmed Siyaar iyo Sheekh Cumar Xerow ayaa sheegay in ummadda ay u midowdo sidii ay ugu hortagi lahayd kuwa doonaya inay dhibaatooyinka u geystaan, waxayna ugu baaqeen shacabka in aanay qarsan kuwa dhibaatada wada.

Gabagabadii kulanka ayay culumadii kasoo qaybgalay waxay dowladda ugu baaqeen inay adkeyso ammaanka shacabka Soomaaliya iyo goobaha ay ka deggen yihiin Muqdisho hay’adaha samafalka si looga hortago falalka ay ka geysanayaan caasimadda kooxaha nabadda-diiddan.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya