4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 22, 2013
Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia oo u soo jeediyay Xildhibaanada inay ka doodaan Sameynta Xisbiyo Siyaasadeed


Sabti, Juun 22, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo maanta ka hadlayay kulankii ay yeesheen xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo jeediyay in xildhibaannadu ay ka doodaan laba qodob oo midkood uu yahay sidii lagu sameysan lahaa xisbiyo siyaasadeed.

Prof. Jawaari ayaa sheegay in sidoo kale uu baarlamaanka ka doonayo inay ajandayaasha ay ka doodayaan ay ku daraan sidii laga yeeli lahaa dadka ku jooga Muqdisho barakaca, kuwaasoo dhibaatooyin kala duwan ay haystaan.

“Maskaxdayda waxaa ka guuxaya laba qodob oo ay tahay in xildhibaannadu ay ka doodaan, midka hore waa in laga doodo sidii dalku ku yeelan lahaa xisbiyo badan, maadaama dadkii dalka xukunkeeda soo qabtay ay intooda badan ku yimaadeen qoriga caaraddiisa ama si dadban oo dagaal la xiriirta,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale, Jawaari wuxuu sheegay in loo baahan yahay in hadda kaddib ay tahay in mas’uulka dalka hoggaaminaya uu kusoo baxo hab xisbiyeed ayna dadku doortaan nin aqoonyahan ah oo aftahan ah oo aan wax ku doonayn awood iyo dagaal.

“Xubnihii dalka horay u soo xukumay waxay ku yimaadeen qoriga ama si la mid ah qori oo dadban, waxaana doonaynaa inaan bedelno arrintaas oo aan ku bedelno in qofku ku yimaado aqoon iyo karti hoggaamineed,” ayuu Prof. Jawaari hadalkiisa raaciyay.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa dhinaca kale weydiistay xidlhibaannada in ajanadayaashooda ay ku darsadaan sidii looga hadli lahaa dhibaatooyinka haysta dadka barakacayaasha ah, isagoo sheegay inay wanaagsan tahay in ajandayaasha lagu darsado qodobbo looga doodayo arrimaha bulshada, gaar ahaan kuwa dhibaateysan.

Fikradaha uu soo jeediyay guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa si aad ah u soo dhaweeyay inta badan xildhibaannada baarlamaanka iyagoo xusay inay diyaar yihiin in qodobbadan lasoo jeediyay ay ka doodaan xilliyada soo socda.

Dhanka kale, wasiirka khayraadka dalka, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa maanta hortagay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ka siiyay sharraxaad sharciga kalluumeysiga iyo khayradka dalka, isagoo sheegay in sharcigan uu fududeyn doono in dhaqaalaha dalka soo galaya uu noqdo mid aad u fara badan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya