4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 22, 2013
Madaxweynaha Somaliland oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Ciyaartoydii Kubadda Cagta iyo Gacanta ee soo badiyay (SAWIRRO)


Sabti, Juun 22, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa maanta qasriga madaxtooyadda ku qaabilay labadda gobol ee ku kala guulaystay koobka kubadda cagta iyo koobka kubadda Gacanta ee basketka looyaqaan.

Labadan xul oo ay kala hogaaminayeen labaddooda badhasaab ee Hargeysa iyo Gabiley ayaa madaxweyne Siillaanyo aad ugu bogaadiyey guusha ay kaga caraabeen tartankii ciyaaraha ee ka socday Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sheegay in ciyaaraha ka mid yihiin waxyaalaha ay dhalinyaradu isku dhex galaan, isla markaana isku jeclaadaan, waxaaanu labadda gobol ee Maroodi jeex iyo Gabiley ee ku kala guulaystay Kubadda Cagta iyo Kubadda Gacantaba ku hambalyeeyey guusha ay gaadheen iyo sumcadda ay goboloodda usoo hooyeen.

Kulankan uu madaxweynuhu qaabilay ciyaartoyga gobolada Maroodi jeex oo qaaday koobka kubadda cagta iyo ciyaartoyga gobolka Gabiley oo qaaday koobka Kubadda Gacanta, ayaa waxa kala soo qaybgalay xubno wasiiro ah oo xukuumadiisa ka tirsan iyo xildhibaanadda golaha Wakiiladda iyo golaha deegaanka, kuwaas oo ka soo jeeday labadan gobol ee ciyaaraha soo badiyey.









Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland